Xoghayihii warfaafinta Waddani oo iscasilay

Xoghayihii warfaafinta Waddani Boobe Yuusuf Ducaale ayaa waxa uu maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii iyo xubinamadii uu ka hayey Waddani.

Boobe ayaa waxa uu xisbiga Waddani ayaa waxa uu ku eedeeyey Waddani uu ugu tagay xafiisyo madhan iyo xurmo xurmo madhan, waxaanu yidhi isagoo arrintaasi ka hadlay waxa uu yidhi:

“Ismaan lahayn xisbiga Waddani waxaad ugu tegaysaa xarun madhan, xafiisyo madhan iyo xurmo madhan.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“ugu dambayna maanta oo ay taariikhdu tahay 5-tii bishii Maarch 2016ka waxaaan iskacasilay xilkii Xoghayaha Warfaafinta Waddani iyo xubinnimadii ladadaba, kama xumi in aan xaruntii iyo xilalkii madhnaa ka tago, waxaanse aad iyo aad uga xuma ahay in aan ka tago tobonaan kun oo xisbigaa xubno ka ah ama taageerayaal oo guddo iyo  dibedba joogga, iyaga oo niyadsan doonayey isbedel khayr qaba oo togan dhaliyaan.”  

Boobe ayaa waxa uu ka mid noqonayaa masuuliyiint tiro tobaneeyo gaadhaya oo hore iskaga casilay Waddani kuwaaso xilal kale duwan ka hayey, taasi oo Gudoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa wax uu sheegay in xubnahaa hore ee iska casilay aanu  xisbigu waxba u noqnayn ka tagidooda hase ahaatee ay iyagu arrintaasi aaminsanaayeen, balse waxa la filayaa in uu Guddoomiye Cirro mari iscasilaada Boobe halkii masuuliyiintiii hore iyo in kale maalmaha soo socda.

Halkan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee iscasilaada Boobe:

bandhige@gmail.com