Urur dhallinyaro oo samafal ah laguna magacaabo Duyuur Al Khayr ayaa muddo saddex cisho ah tababar qaatey oo ku saabsan guurka wacan ku soo gunaaday Huteelka Mana guest house ee ku yaala Boorama waxaana ka qayb galay dhallinyaro badan oo ka kooban lab iyo dhedig.
Tababarka oo lagu falanqeeyey guurka wacan ama wanaagsan ayaa macalinka tababarka qaadaa dhigayey oo la yidhaahdo Axmed Cabdi Ismaaciil uu kaga hadlay arrimaha guurka bilowgiisa, dhexdiisa iyo guntiisaba lagama maarmaanka u ah.
Arrimaha ugu muhiimsan ee uu ku soo bandhigay waxa ka mid ah jaceylka iyo sida loo koriyo loona ilaaliyo in ay lamaanaha is doortay ahaadaan laba isku laab furan, kaftama, wada sheekaysiga, nolosha wadaag ahna ka ilaaliya wax kasta oo turan-turayn kara.
Waxaa muuqatay da’ yarta ka soo qayb gashay in ay arrintaas guurka wanaagsan ku saabsan ay aad uga heleen una jeclaysteen kuna micneeyeen wax ku cusub gayiga Soomaalidu degto, loona baahan yahay in tababarada noocan oo kale ah la joogteeyo si ay dhallinyaro badan uga faa’iidaystaan, una bartaan aqoonta guurka iyo waxyaabaha lagama maarmaanka u ah.
Xasan Ciise- Boorama