Israa’iil waxay mamnuucday Telefishinka Aljazeera

 

Israa’iil ayaa qorsheeneysaa in ay taleefishinka Aljazeera ka mamnuucdo dalka Yahuuda, sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta dalkaas.

Wasiirka warfaafinta Ayoub Kara ayaa sheegay in uu doonayo in kaararka aqoonsiga warbaahineed ka qaado suxufiyiinta Aljazeera, taasi oo ka hor-istaagi doonta inay ka shaqeeyaan gudaha Israel.

Kara ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay axaddii, kaasi oo weriyayaasha Aljazeera laga mamnuucay in ay ka qeyb galaan.

Aljazeera ayaa sheegtay in Kara uu doonayo in uu Israa’iil ka mamnuuco labada kanal ee Aljazeera ee luuqadaha Carabiga iyo Ingiriirska.

Ra’iisul wasaraaha Israel Benjamin Natenyahu ayaa toddobaadkii tagay ku hanjabay in uu xirayo xafiisyada Aljazeera ee magaalada Jerusalem, isaga oo shabakaddan ku eedeeyey inay rabshado ka hurineyso magaalada.

Dalalka Urdun iyo Sacuudiga ayaa dhowaan xidhay xafiisyadii telefishinka Aljazeera, oo laga leeyahay dalka Qatar, iyada oo daawashada kanalkan sidoo kale laga xanibay dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn.

bandhige@gmail.com