Israa’iil waxay sii daysay maxaabiis muhaajiriin ah oo ku jirtay xabsiyada saxaaraha

Xukuumadda Yuhuudda ayaa oodda ka qaaday maxaabiis muhaajiriin ah oo sannad ka badan ku oodnaa xabsiyada aadka u kulul ee ku yaalla saxaaraha.

750 maxbuus ayaa Maxkamadda Sare amartay in xoriyaddooda la siiyo 750 maxbuus, si ay uga shaqaysan karaan Israa’iil. Hase ahaatee waxa laga mabnuucay in ay tagi karaan labada magaalo ee dhaqaalahoodu buuran yahay oo kala ah Tel Aviv iyo Eilat.

Ururrada xuquuqda aadamaha u dooda ayaa soo dhaweeyey go’aankan sii daynta, laakiin waxay ku baaqeen in la siiyo sharci isla markaana laga qaado xayiraadda magaalooyinka loo diiday.

Xukuumadda Yuhuudda ayaa lagu dhaliilaa in ay si arxan daran ula dhaqanto muhaajiriinta magan-galyo doonka ah. Sharciga Israa’iil ayaa dhigayey in qofka muhaajirka ah laba sanno lagu hayn karo xabsiga bilaa xukun, hase ahaatee Maxkamadda Sare ayaa hadda hoos ugu dhigto hal sanno.

Bandhige@gmail.com