Israa’ill waxay ka qaadaysa masaajid Al-aqsa qalabka wax lagu baadho oo muran weyn dhalliyey

 

Israa’iil ayaa maanta billowday in qalabka birta sheega ee dadka lagu baadho oo  ay ka saarayso albaabka masjidka Al-Aqsa, si ay u yareyso xiisadda ka dhalatay ee ka cadheysiisay Muslimiinta, islamarkaana dhalliyey isku dhacyo xooggan.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii golaha wasiirada Israa’iil ay go’aan ku gaadheen in qalabkan lagu beddelo kaamirooyin duuba dhaqdhaaqyada dadka.

Si kastaba inkasta oo qalabkii muranka dhalliyey meesha laga saadhaya, ayaa haddana waxaa weli socday isku dhacyada ka taagan albaabka laga galo xeyndaabka uu ku dhex yaallo masjidka ee u dhaxeeya ciidamada Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Dhinaca kale, ergeyga Qaramada Midoobay ee hanaanka nabadda ee Bariga Dhexe, Nikolay Mladenov, ayaa ku baaqay in xal deg deg ah laga gaadho xasaradaha ku xeeran masjidka Al-Aqsa. Isagoo arrintaasi ka hadlayan waxa uu yidhi:

“Waxaan weydiisanayaa dhammaan dalalka in ay saameyntooda u adeegsadaan inay dhinacyada ishaya ku dhiiri geliyaan in ay qaboojiyaan xiisadda, islamarkaana xaqiijiyaan in nabad-galyo ay helaan dadka wax caabudaya.”

bandhige@gmail.com