Ma run baa in Wasiir Qabo iska casilayo xilka wasiirnimo ee Xukuumadda Axmed Siilaanyo?

 

Warbaahinta Internetka qaarkeed ayaa shalay baahisay suurtogalnimada inuu is casilo wasiirka qorshaynta iyo xidhiidhka hay’adaha caalamiga ah Md. Maxamed Ibraahim (Qabo). Shabakadda wararka ee Hadhwanaag ayaa warkan baahisay.

Warbaahintani ayaa waxa ay warkan saldhig uga dhigtay in is casilaadda wasiirka ay sidoo kale wehelin doonto inuu ka baxo xisbiga KULMIYE, waxaanay intaas ku dareen inuu jiro khilaaf u dhexeeya wasiirka iyo guddoomiyaha iyo murashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. Warku wuxuu sheegay in wasiirka laga reebay shirar ka dhacay magaalada Hargeysa oo uu murashax Muuse Biixi Cabdi la yeeshay bulsho ka soo jeeda deegaanada uu wasiir Qabo ka soo jeedo, waxaanay shabakadda Hadhwanaag sheegtay in khilaafkani  yimid ka dib markii uu wasiirku dhawaan iclaamiyay inuu u tartamayo jagada guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Wasiir Qabo oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyay jiritaanka warkan ayaanay noo suurtogelin. Laakiin Wasiir Maxamed oo xariif ku ah siyaasadda ololeyaasha xisbiyada ayaa la sheegay inuu shalay ilaa xalay ku jiray shirar siyaasadeed oo aan weli biyo dhacoodu soo bixin.

Laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa  tilmaamaya inay adagtahay in Wasiirku xukuumadda iska casilo laakiin ay suurtogaltahay inuu la soo baxo siyaasado kale.

Xigasho: Geeska Afrika.

bandhige@gmail.com