Caruurta ugu badan dunida ee waxbarashada ka hadha waxay ku nool yihiin waddanka Nayjeeriya

 

In ka badan kala badh carruurta dunida ee aan dhameysan waxbarashada ayaa ku nool Nayjeeriya, sida uu sheegay Xoghaya Guud ee waaxda waxbarshada ee waddanka Nayjeeriya.

Wargeyska Premium Times ayaa qoray in Adamu Xuseen uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in tirada ugu badan ee caruurta waxbarashada ka hadha dunida oo ah labaatan milyan ay toban ka mid ah ay yihiin carruurta Nayjeeriya.

Adamu Xuseen ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in labaatankii sanno ee u dambeeyay ay hay’addaha gargaarka iyo dawladda Nayjeeriyaba ay ku howlanaayeen tayeynta waxbarashada si wax looga qabto dhibaatooyinkaasi.

Balse xaqiiqada ayaa ah in wali ay aad u yar tahay tirada ardayda iska diiwaangaliya waxbarashada iyo kuwa dhameysta dugsiyada ee kasoo jeeda qoysaska laga tirada badan yahay iyo waliba kuwa dhibaateysan.

Dawaladda dhexe ee Nayjeeriya ayaa aaminsan in uu qaran gaadhi karin badhaadhe dhaqaale haddii aanay jirin nidaam waxbarasho oo tayo leh. Isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi;

”Waxbarsho nidaamsan ayaanan lagu guuleysan karin sidoo kale haddii ummadu aanay helin amni iyo xasilooni.”

Sidoo kale waxa uu Nayjeeriya ka jirta macaluul ba’an taasi oo saamaysay dad aad u tiro badan.

bandhige@gmail.com