Trump wuxu sheegay in uu Xeer Illaaliyaha Guud ee Maraykanku yahay nin daciif ah

 

Madaxweynaha Maraykanka ayaa markale weeraray xeer illaaliyaha guud ee dalkaasi Jeff Sessions xili ay madaxweynaha ku furan yihiin baadhitaanno la xidhiidha in uu Ruushka garab ka heley xiligii doorashadii dhacday sannadkii hore.

Warar qaarkood oo ay qorayaan saxaafada Maraykanka ayaa sheegaya in Trump uu ka fikirayo in uu xilka ka qaado Sessions oo maalmahanba hadal-heyntiisa ay socotay.

Trump ayaa boggiisa Twitterka waxa uu ku qoray:

“Xeer Illaaliyaha Guud Jeff Sessions waxa go’aan daciifnimo ah ka qaatay baaritaanka la xiriira dambiyada ay gashay Hillary Clinton, iyo dadka faafinaya siraha dalka.”

Mar sii horeysey Trump waxa uu Sessions ku tilmaamay nin go’doonsan, isaga oo ka qoomadooday magacaabistiii.

Waxa uu Trump ninkani ku heystaa sababta uu isaga saaray guddiga baadhitaanka FBI ee la xidhiidhay lugtii Ruushka ku lahaa doorashadii dhacday sannadkii hore.

Isfaham darada madaxweynaha iyo xeer illaaliyaha ayaa gaadhay halkii ugu sareysey iyada oo Jeff Sessions uu Aqalka Cad tagay Isniintii si uu ula kulmo Trump, balse kulankaasi ma uusan dhicin sida ay sheegtey Sarah Huckabee Sanders oo ah afayeenada Aqalka Cad.

Wararka qaarkood oo soo baxay ayaa tibaaxaya in madaxweynaha uu booska ninkani ku badali doono duqii hore ee magaalada New York Rudy Giuliani.

Balse sida uu sharciga qabo haddii Sessions xilka laga qaado waxa isla markiiba booska buuxinaya ku xigeenkiisa Rod Rosenstein, hase yeeshee Trump ma jecla ninkani laftiisa, horey ayuuna eedeymo ugu jeediyey.

Dadka siyaasadda u dhuun-daloola waxa ay sheegayaan in bartilmaameedka ugu weyn ee Trump uu yahay Ergeyga gaarka ah ee baadhitaanka fadeexadda Ruushka, Robert Mueller, kaasi oo uu doonayo sidii uu meesha uga saari lahaa.

Ma jirto cid ka badbaaday Trump, todobaadkii hore waxa uu u duur-xuley Agaasimaha cusub ee FBI-da Andrew McCabe, kaasi oo uu ku ka sheegey wax u muuqdey eedeyn musuq-maasuq, isaga oo sheegey in Hillary Clinton ay xaaska McCabe siisay lacag gaadhaysa $700,000 .

Sidoo kale todobaadkii hore waxa xilkii isaga dagay afhayeenkii Aqalka Cad Sean Spicer oo ahaa foolka muuqda ee Trump.

bandhige@gmail.com