Isu-duwaha Qaramada Midoobay oo maalintii labaad safar ku jooga Somaliland, wuxu la kulmay Madaxweyne Siilaanyo

Isu-duwaha Qaramada Midoobay ahna Isu-duwaha Arrimaha Bani’aadanimo ee Somaliland iyo Soomaaliya Peter de Clerk ayaa booqasho uu xalay ku yimid Somaliland ilaa hadda ku jooga.

Isu-duwuhu wuxu la kulmay wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Dib-u-dejinta. Markii dambena Isu-duwuhu wuxu kula saacad qaatay la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo.

Peter de Clercq2
Madaxweyne Siilaanyo iyo Peter de Clerk

Peter de Clerk iyo Madaxweyne Siilaanyo waxay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha horumarinta, bani’aadanimada iyo qaxootiga Yemen ka soo qulqulaya.

Isu-duwuhu sidoo kale wuxu booqday mashaariic ay UNDP dalka ka fulisay oo uu ka mid yahay saldhig booliis oo ay Qaramada Midoobay ka dhistay xaafadda New Hargeysa.

Peter de Clerk sidoo kale wuxu booqday Bandhige Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, wuxuna berito u sii gudbayaa magaalo-xeebeedda Berbera halkaas oo uu u-kuur-geli doono xaaladda qaxootiga Yemen.

Bandhige@gmail.com