Arsenal ayaa waxa ay sannadkii labaad oo xidhiidh ah ku guulaystaty Koobka community shield

Kooxda Arsenal ayaa sannadkii labaad oo xidhiidh ah ku guulaystay koobka Community Shield-ka kadib markii ay 1:0 kaga badisay kooxda Chelsea kulan ku dhexmaray garoonka Wembley.

Koobka Community Sheild ayey wada ciyaaraan kooxda qaada koobka FA Cup ku guulays iyo kooxda difaacanaysa horyaalka Ingiriiska.

Kooxda Arsenal ayaa goolka kali ee ay ku badisay waxa u dhaliyey Alex Oxlade-Chamberlain qaybtii hore ciyaarta.

Guushan ayay soo gebagebaysay 11 sano uu Arsen Wenger sugayay in uunka adkaato Tababare Jose Mourinho kaasoo ku tilmaamay in uu yahay macalin ku takhasusay guuldarada

Arsenal ayaa sannadka gudihiisa qaaday laba koobka oo kala ah community shield iyo FA.

bandhige@gmail.com