Dhammaystirka kala-badh (150 KM) waddada Ceerigaabo waa guul (W.Q. Cali Xasan)

Waxa laga joogaa shan sanaddood markii Madaxweyne Siilaanyo la wareegay xilka Madaxweynimo, hadaba Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa dalka ka samaysay hor-u-mar aad u  balaadhan oo dhankasta leh, waxaana hor-u-markaasi uu yididiilo geliyey inta badan shacabka Somaliland iyadoo beesha caalamkuna si weyn u amaantay hor-u-markaasi Somaliland ka tis qaaday.

Hadaba September 16th, 2013 markii uu Madaxweyne Siilaanyo dhagax dhigay mashruuca dhismaha jidka Ceerigaabo oo isku xidhi doona Goboladda Togdheer iyo Sanaag, bulshada Somaliland ayaa si balaadhan u soo dhawaysay dhagax dhigaasi wuxuuna qeyb ka ahaa balan qaadkii Madaxweynaha iyo xisbigiisa wakhtigii lagu jiray ololaha doorashada.

Riyada dhismaha jidka Ceerigaabo oo ay dawladdo badan ka baqeen ayuu ku dhiiraday Madaxweyne Siilaanyo, maalintii jidkaasi la dhagax dhigay waxay xisbiyada mucaaridka  ku dhawaaqeen inay tahay been iyo olole dadka cod lagaga doonaayo, sidoo kale waxay sheegeen inaanay suuragal ahayn in la dhiso jidkaasi,  hasa ahaatee mudo laga joogo 2 sanno oo waxyar la,a waxaa dhaboobay oo rumoobay dhismaha jidkaasi, islamarkaana waxaa hir galay oo la dhisay 150 kilo mitir oo ah kala badh  waddadaas.

Hir-gelinta dhismaha waddada Ceerigaabo waxa masuuliyadeeda dusha saartay hadh iyo habeena heegan u galay Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan oo adduunyada inta u badan maray islamarakana baadi doonay qaadhaankeeda islamarkaana hada  dhamaystirka 150 kiiloo mitir ka soo dhalaalay iyadoo amaanteeda Madaxweyne Siilaanyo leeyahay hadana dedaalkeeda iyo masuuliyadeeda waxaa iska leh madaalaha Xirsi Cali Xaaji  Xasan.

Inta hadhayna waa hubaal inay ku dhismayso wakhti aan fogayn hadii alle qadaro, waxaan halkan hambalyo uga dirayaa Wasiirka Madaxtoyada oo amaanteeda iska leh, waddadaasi sameeyey dedaal aad u badan ka dhabeeyey siyaasadii Madaxweynaha, waxaan u arkaa nin qaranka Somaliland u qabtay hawl aad u balaadhan, waxaan hubaa inuu kartideeda leeyahay hawl intaasi kasii balaadhan.

Mudane wasiir waxaad qabatay wax qarankani uu ku faani doono kumanaan sano ka dib , waxaan dadka reer sanaag kula talin lahaa inay Taalo u sameeyaan Madaxweynaha Qaranka  oo leh  ku dhaca iyo siyaasada jidkaasi sidoo kalena ay ku daraan Wasiir xirsi oo isna la yimi xil gudadasheedii iyo kartidii waddadaasi ku dhisantay.

Fiieo Gaar:

“Haddii aynu gacmaha is qabsano dawladeena taageerno iska dayno dhegaysi kuwa wax matarayaasha ah ee hadalka uun ka adag waxaa biyo kama dhibcaana inaan horumar kaa kasii weyn gaadhi karno oo dunida caalamka la tartami karno.”

Qalinkii: Cali Xasan

calixasan806@gmail.com

Maqaallada aragtida ah ee ku soo baxa Bandhige fikradaha ay xambaarsan yihiin waxay gaar u yihiin qoraaga.