Xisbiyada mucaaridku waxay yidhaahdeen Golaha Guurtidu waa sharci darro, shirkoodiina waxay ku khilaafeen Distoorkii Waddanka u yaalay

Gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa asxaabta mucaaridka ku eedeeyey inay ka horyimaadeen qodobo lidi ku ah hannaanka iyo geedi socodka iyo dastuurka dalka.

Isaga oo ka waramay in qodobadii ay shirkii dhawaanta ay asxaabta mucaaridku qabteen ay haayeen qodobo aan ku haboonayn milgaha iyo guud ahaan xaalada dalka Somaliland.

Gudoomiye ku-xigeenku mar uu ka hadlaayay TV-ga Qaranka Jamariyada Somaliland ayaa si cad uga waramay dereeenkiisa ku aadan go,aanka ay xisbiyada mucaaridku ka soo saareen shirkii ay dhawaanta qabteen, waxaanu ku tilmaayay inay yihiin qodobo baal marsan dastuurka Dalka Jamuriyada Somaliland, isga oo ka hadlaayo arimahaasna waxa uu yidhi Mujaahidku sidan

‘’ xisbiyada mucaaridku waxay yidhaahdeen Gollaha Guurtidu waa sharci darro, shirkoodiina waxay ku khilaafeen Distoorkii Waddanka u yaalay, waxaanay meesha soo dhigeen qodobo aanu hore isula gaadhnay oo ay ku andacoonayaan waa in Madaxweynuhu ogolaadaa, qaraarka saddexda xisbi ay u dhan yihiin, Horta qaraarkan Madaxweynaha ayaa abuuray, ka hor inta aanaan heshiiskan asxaabta isla gaadhin ayaa waxa ka horeeyey Go,aanka Guurtida.”

Sidoo kale Maxamed Kaahin oo hadalkiisa sii wataan waxa uu dhaliilo u soo jeediyey xisbiga Guddoomiyaha Waddani waxaanu yidhi:

“Gudoomiye Cirro, baarlamaanka, iyo xisbigiisu waxay leeyihiin muddo kordhinta Madaxweynuhu waa sharci darro, ta Guddoomiye Cirrona waa sharci darro, Laakiin anigu rayi ahaantay waxaan cadeeyey in aanan ka soo hor jeedin heshiiskaasi.”

Dhinaca kale Maxamed Kaahin ayaa tibaaxay in mucaaridku xaq u leeyahay inuu muujiyo wixii saluug ah ee ay ka qabaan go’aamadda qaranku soo saaro, xaqna ay u leeyihiin inay Maxkamadda u gudbiyaan.

Waxa kale Maxamed Kaahin sheegay in mucaaridku ay qaraar u direen bulshada caalamka, in hadii ay beesha caalamku joojiso qaadhaanadda ay siiso Somaliland in aanay xukuumadda maanta joogtaa waxba ku waayi doonin, balse Somaliland oo dhami ay dhibaato weyn ka dhaxli doonto, isaga oo arintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi:

’’Dawladdaha reer Galbeedku waa dawladdaha ka caawiya Somaliland barnaamijyadda doorashooyinka, diiwaan-gelinta iyo barnaamijyo hor-u-marineed oo kale oo dalka ka socda. sidaa daraadeed waxaan u sheegayaa nimankaa odayaasha ah ee aanu saaxiibada nahay, in wakhti xaadirkan aynu joogno ay ugu badan tahay kaalmada dhaqaale ee ay qaadhan bixiyayaashu Somaliland siiyaan, mashaariic kale duwanina ay ka socoto gobolada dalka, laakiin anigu rayi ahaantay waxaan isleeyahay labbada xisbi mucaarad inay qodobkaa uga jeedaan, oo ay dawladda ceeb uga dhigayaan marka ay shacabka ku leeyihiin qaadhaan bixiyayaashii ayaa Somaliland ka jaray deeqdii, taasi waa ku gaf asxaabta mucaaridka, waxaanay taabanaysaa deeq bixiyayaasha oo u arkaaya Dawladda Somaliland gacanta qabta.”

Eedaymaha ayey xisbiyada mucaaridka dhinacood ku eedeeyaan xisbiga talada haya iyo xukuumadda uu hoggaamiyo Axmed Siilaanyo.

bandhige@gmail.com