Isu-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gabiley oo Kormeeray Deegaano ka Mid Ah Dhul-beereedka Gobolka

Isu-duwaha Wasaaradda Beeraha ee gobolka Gabiley Cabdiraxmaan Axmed Cabdillaahi (Jeex), ayaa Maanta kormeer ku soo maray dhul-beereedka deegaanka Ilmo Da’do ee Gobolka Gabiley.

Isku-duwaha iyo Saraakiil ka mid ah Xafiiska Wasaaradda Beeraha ee Gabiley, ayaa waxay kormeer ku soo mareen deegaanka Ilma Da’do oo ka mid ah dhul-beereedka Gobolka Gabiley.

Isu-duwe Jeex, ayaa Dadka Beeralayda ah oo soo dhaweeyay ka dhegaystay War-bixino ku saabsan dedaalkooda wax-soo-saarka iyo baahiyaha ay doonayaan in Wasaaradda Beeruhu wax kala qabato.

Dhegaysiga War-bixinnada Beeralayda ka dib, wuxuu isku-duwuhu uu Beeralayda u sheegay inay Wasaaraddu u darban tahay taageerada iyo wax la qabashada Beeralayda, sidaa darteedna wixii ay baahiyo sheegteen wixii awooddeeda ah Wasaaradda Beeruhu diyaar u tahay inay wax ka kala qabato.