Isu-duwaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Daarasalaam oo Qalab ku Wareejiyey Beeralayda Degmadaas.

Isu-duwaha Wasaaradda Beeraha ee degmada Daarasalaam Idiris Axmed Maxamuud, ayaa qaar ka mid ah Beeralayda deegaankaas ku wareejiyey Mishiinnada Waraabka Beeraha iyo qalab kale oo Wasaaraddu ka heshay Hay’adda Maxaliga ah ee DIRECT AID.

Munaasibad lagu qabtay Xarunta Maamulka degmada Daarasalaam, ayaa waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha degmada Daarasalaam Ciise Muuse, Madaxda Hay’adda qalabka bixisay iyo Beeralayda ka faa’idaysanaya qalabkaasi.

Isu-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Daarasalaam Idiris Axmed Maxamuud oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay Hay’adda uga Mahad-celinayaan qalabka ay ku taageertay Beeralayda Daarasalaam.

Isu-duwuhu wuxuu Beeralayda u soo jeediyey inay qalabka lagu wareejiyey oo dhan 30 Mishiin, Tuumbooyin iyo agab kale daryeeshaan, sida ugu wanaagsana uga faa’idaystaan.

Idiris, wuxuu sheegay In Hay’adaha kalena looga baahan yahay inay doorkooda ka qaataan horumarinta Beeralayda.

Munaasibadda oo ay ka hadleen xubno matalayey hay’adda DIRECT AID iyo Beeralayda qalabka lagu wareejiyey, ayaa waxa gebogabadii ka hadlay Guddoomiyaha degmada Daarasalaam Ciise Muuse, wuxuuna u Mahad-celiyey Hay’adda DIRECT AID ee qalabka ugu deeqday Beeralayda Daarasalaam.