Itoobiya iyo Djibouti waxay wada jir u daahfureen tareen iskaga goosha laba dal

Dalalka Itoobiya iyo Jabuuti ayaa waxa daahfureen tareen iskaga goosha labada dalka, taareenkan ayaa waxa uu kii ugu horreeyay ee koronto ku shaqeeya ee qaaradda Afrika laga hirgaliyo.

Tareenkan ayaa waxa uu ku soconayaa xawaare dhan 120 KM saacadii, isagoo wakhtigii uu qaadan jiray safarka labada dal qaadan jiray ka dhigay maalin badhkeed, awalkii horena safarkaasi qaadan jiray muddo saddex maalmood ah.

Maalgalinta mashruucani waxay inta badan ka timid Bangiga wax Dhoofinta iyo soo Dejinta ee waddanka Shiinaha, oo isagu sidoo kale aad ugu lug leh mashaariic kale ee kaabayaasha dhaqaalaha dalka Itoobiya.

Iyagoo ay ka hadleen munaasabaddaa furitaanka, hoggaamiyeyaal ka kala socda labada dal ee Itoobiya iyo Djibouti waxay sheegeen in jidka cusub ee tareenku uu sii xoojin doono xidhiidhka ganacsiga ee ka dhaxeeya.

Itoobiya waxay haatan wax kala soo degtaa kana dhoofsataa ku dhowaad 90% alaabooyinkeeda dekedda dalka Jabuuti.

xaflada-furitaanka-tareenka

bandhige@gmail.com