Itoobiya oo Deeq Waxbarasho oo Kala Duwan Somaliland Siisay

Hargaysa (Dawan) Koomishanka Tacliinta saree ee Somaliland ayaa baahiyay deeq waxbarasho oo dawladda Itoobiya ugu deeqday Somaliland gaar ahaan inay ka faa’iidaystaan ardayda dalka.

Deeqda waxbarasho ayaa waxa la siiyey laba boqol oo arday waxanay ka kooban tahay heerarka kala duwan ee waxbarashada sida heerka koowaad oo looga baahan yahay 100 arday, heerka labaad ayaa Iyana looga baahan yahay 92 arday halka heerka saddexaad ee loo yaqaano PHD-da loo baahan yahay 8 arday.

Gudida tacliinta sare ee Somaliland ayaa shuruud ku xidhay ardayga raba inuu ka mid noqdo tartamayaasha deeqdan waxbarasho, taasi oo ah heerka koowaad in looga baahan yahay in ardaygu uu haysto kaadhka dhalashada Somaliland (Somaliland ID Card) iyo in ardaygu haysto shahaadada dugsiga sare oo ah darajada A ama B, waa inuu ardaygu saddexdii sanno ee u danbeeyay uu ka baxay dugsiyada dalka, diyaarna u yahay inuu galo imtixaan .

Shuruuda ku xidhan ardayga raba inuu ka mid noqdo tartamayaasha deeqda waxbarasho ee waxbarshada heerka labaad (Masters) ayaa waxa looga baahan yahay inuu ardaygu haysto shahaadad jaamacadda, islamarkaana haystaa ugu yaraan GPA 3.00 iyo wixii ka sareeya, sidoo kale waa inuu ardaygu haystaa shahaadada dugsiga sare, imtixaana diyaar u yahay.

Shuruuda ay guddida tacliinta saree e Somaliland ku xidheen ardayga raba inuu ka mid noqdo tartamayaasha deeqda waxbarasho ee heerka saddexaad (PHD) ayaa ah in ardaygu haysto shahaadada jaamacadda heerka koowaad iyo labaadba, sidoo kale waa inuu haystaa GPA 3.50 iyo wixii ka sareeya darajada imtixaanaadka jaamacadda, shanti sanno ee u danbaysayna ka hawlgalayay goobaha tacliinta sare, waana inuu ardaygu daabacay Joornaal , diyaarna u yahay inuu galo imtixaan.

Guddida tacliinta sare ee Somaliland ayaa ku wargaliyay dhammaan ardayda danaynaysa deeqdan waxbarasho inay bilaabmayaan xeraynta codsiyadu 08/08/2024 isla markaasina ay dhamaanayan 28/08/2024, goobaha lagu xeraynayo codsiyaduna ay yihiin xafiisyada ay ku leeyihiin gobolada dalka .

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com