Itoobiya waxay ciyaartoyga Ereteriya u diidday in ay ka soo qayb-galaan koobka qaramada Afrikada Bari

Xukuumadda Itoobiya ayaa ka joojisay ciyaartoyga Ereteriya in ay cagaha soo geliyaan Itoobiya oo ay ka qayb-qaataan koobka Qaramada Bariga iyo Badhtamaha Afrika oo Itoobiya ka soconaya inta u dhaxaysa 21-ka November ilaa 6-da December.

Xukuumadda Itoobiya waxay go’aankeeda ku sababaysay in beryihii ugu dambeeyey ciyaartoyga Ereteriya ay safarradooda u isticmaalayeen xeelad ay kaga baxsadaan xukuumaddooda diktaytarka ah ee ka arrimisa dalkooda, taas oo sida la sheegay ciqaabta ciddii guul soo hoyn wayda.

Hase ahaatee warbaahinta caalamka ayaa go’aankan ku sababaysay mid xidhiidh la leh labadan dal ee cadaawaddu ka dhaxays iyadoo uu dagaal qadhaadhi dhex maray intii u dhaxaysay 1998 ilaa 2000 kaas oo ay ku naf-waayeen kumanaan dadweynaha labada dhinac ah.

Guddida Kubadda Cagta ee Qaramada Bariga iyo Badhtamaha Afrika ee magacooda loo soo gaabiyo (CECAFA) ayaa sheegay in ay ku khasban yihiin in ay qadariyaan go’aanka xukuumadda Itoobiya.

Dhawaan ayay ahayd markii laba kooxood oo kubadda cagta u tagay waddamada Yugaandha iyo Bootiswaana ay labaduba baxsadeen iyagoo magan-gelyo ka raadsaday waddamadaas. Dhacdooyinkani waxa ay dunida u muujiyeen heerka axmaqnimada xukuumadda Ereteriya iyo cabsida dadweynuhu ilaa xadka ay marayso.

Bandhige@gmail.com