Itoobiya waxay ku dhowaaqday in ay joojisay qorshihii lagu balaadhinayey Addis Ababa

Qorshaha balaadhinta Addis-ababa oo ay dawladda Itoobiya doonaysay in ku balaadhisa Addis-ababa ayaa waxa ka horyimid kacdoon bulsho balaadhan kaas oo ay maanta ku dhawaaqday xukuumadda Itoobiye in ay joojisay qorshaha balaadhinta Adis-ababa.

Joojinta qorshaha balaadhinta Adisabab ayaa waxa ku dhowaaqay dawlad deegaanka Oromada Itoobiya, waa siday hadalka u dhigeen in ay la tashadeen dadweynaha deegaanka.

Qorshaha balaadhinta Addis-ababa ayaa waxay dadweynaha beeralayda ahi kaga horyimaadeen mudaharaado sababay dhimasho iyo dhaawacba.

Kooxaha xuquuqda aadamaha u dooda ayaa waxay baahiyeen in ugu yaraan boqol iyo afartan qof ku dhinteen tan iyo markii ay bilaabmeen mudahaaradyadu bishii Noofambar sannadkii hore.

Dhinaca kale Itoobiya ayaa sheegtay in aanay sax ahayn tirada dadka ku dhintay mudaharaadada ee ay baahiyeen ha’yadaha xuquuqda aadamaha u doodaa.

bandhige@gmail.com