Xeerkii Baanka oo loo gacan-geliyey wadaaddada (WQ: Drs Hoodo Yuusuf)

Xeer-dejinta waxa loo igmaday Golaha Wakiillada, waana qalad in gacan kale la geliyo. Waxaan arkay dood sawaxan badan oo xubnaha qaarkood foodhyayaan, qaarna miiska garaacayaan. Waxaan kaloo dhegaystay Xildhibaan akhriyaaya tallooyin laga soo uruuriyay 12 Wadaad oo kasoo jeeda Qaadiriya , Saalixiya iyo Soofiyaa.

Wuxuu sheegay inay dhamaantood isku raaceen inay xaaran tahay ogolaanshaha Bangiyadda ganacsigu “commercial Banks.”

Guddigaas loo xilsaaray xeerka baanka , daraasad kumay samayn sababta Sacuudigu u ogaalatay in laga furo magaalooyinka Mecca ,Medina, & Jeddah 24 baan “Commercial Banks “ . Waxa ka mid ah Duetcshe Bank , State Bank of India, BNB Paribas , JP Morgan chase, Saudi British Bank, Hollandi Bank iyo qaar kale .

Guddigaasi daraasad kumay samayn sabata 51 Dal oo Islaam ahi ay u ogolaadeen in dalalkooda laga furo “ Commercial Banks “ iyo shareecda islaamka ee ay u coskadeen. Dalalkaas waxa ka mid ah Egypt, Pakistan, Djibouti, Yemen, Af-qaanistan , Somalia,Qatar, Bahrain, etc.

Guddigaasi may raadin axkaamta iyo tallooyinka ay soo sareen hay-adaha ugu wawayn cilmi-baadhista Islaamka, sida Al-Azhar University , Centre for Islam and Science;Islamic University of Medina etc.

Somaliland horumar dhaqaale ma gaadhi karto haddi la dhegaysto koox wadaado ah. Waxaynu dib ugu noqonaynaa casrigii wadadadu ishor-taageen in Ingriisku dhiso skuulo loona wareejyay Sudan . Waxa ka mid ahaa skuulka la diiday “University of Bakhtalruda” , Suda, waxaana kasoo qalin jebiyay Aabahii Tacliinta Somaliland Mohamoud Ahmed Ali.

Hadaba, Shacabka Somaliland wuxuu la xisaabtamyaa Golaha Wakiiladda, waxaana haboon si dhakhso ah loo dhaqan geliyo xeerka Baananka, oo aan talada gacanta loo gelin “ Qaadiriya & Saalixiya “.

Drs Hoodo Yusuf,

UK, London
yhoodo@yahoo.com