Midowga Yurub oo cambaareeyey xukunno dil ah oo ay fulisay Somaliland

War-saxaafadeed mar dhawayd ka soo baxay xururka Midowga Yurub ayaa lagu cambaareeyey dilal qisaas ah oo ay Somaliland fulisay 11-kii January 2016.

Ururka Midowga Yurub waxay sheegeen in ay ka walaacsan yihiin in xukuumadda Somaliland ay dib u soo cusboonaysiisay fulinta xukunnada dilka ah. Qisaastani waa tii labaad ee xukuumadda Somaliland fulisay iyadoo sannadkii inad dhaafayna qisaastay 6 gacan-ku-dhiigle iyadoo aan Somaliland muddo 8 sanno ah xukunno dil ah la fulin.

Culimada Somaliland ayaa sannadkii hore si weyn u taageeray xukunnadii qisaasta ahaa ee ay xukuumaddu fulisay waxayna sheegeen in la fuliyey sharci diini ah.

Waa markii labaad ee Midowga Yurub ay cambaareeyaan xukunno dil ah oo ay Somaliland fulisay. Hase ahaatee war-saxaafadeed sannadkii hore ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda Somaliland ayaa lagu sheegay in ay Somaliland xaq u leedahay fulinta shuruucda dalka u yaalla isla markaana aanay jirin meel ay Somaliland ku sheegtay in ay joojisay xukunnada dilka ah.

Gacan-ku-dhiigleyaasha la qisaasay Isniintii waxa ay kala yihiin:

  1. Cabdirisaaq Maxamed Khayre oo ku dhagaroobay Xidigle Aadan Guuleed Daahir “Tallaabo”, Taliyihii Ciidanka Birmadka Berbear.
  2. Cabdicasiis Siciid Warsame oo ku dhagaroobay Baashe Cabdi Cali, Taliyihii Guutada 93aad, Sanaag.
  3. Cabdillaahi Cabdi Cilmi oo ku dhagaroobay Cabdi Cismaan Cali oo ahaa qof shicib ah, Hargeysa
  4. Cismaan Hirad Diiriye oo ku dhagaroobay Axmed Weli, sarkaal ka tirsan ciidanka Somaliland, Awdal

Ururka Midowga Yurub waxay ku baaqeen in la joojiyo xukunnada dilka ah lana hirgeliyo cahdiga joojinta xukunnada dilka ah. Weli Somaliland jawaab kama ay bixin war-saxaafadeedkan.

Hoos ka akhri war kale oo kan la xidhiidha:

Xukuumadda oo fulisay xukunno dilal ah

Bandhige@gmail.com