Dawladda Hoose ee Hargeysa oo soo bandhigtay raashin dhacay oo galka laga beddelayeyy

 

Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa maanta waxay soo bandhigeen raashin dhacay oo galkii ay ku jireen laga bedelay iyo dawo lagu daro raashinka ka disah buur-buurka iyo cayayaanka yar yar ee ku dhasha.

Raashinkan la qabtay ayaa waxa uu uu dhannaa 1500 oo kiish oo daqiiq ah.

Raashinka ayaa waxa lagu soo qabtay ganacsatadda soo dejisa daqiiqda kuwaas oo samanayey macmalkan ay dadka kaga iibinayaan.

Maayar-ku-xigeenka Hargeysa iyo Guddiga Arrimaha bulshada ayaa waxay saxaafadda kula hadleen xarunta Dawlada hoose horteed oo ay ku soo bandhigeen raashinka dhacay oo saaran gawaadhi.  Maayir-ku-xigeen  Cabdicasiis Maxamed Xaashi “Cagaweyne” ayaa waxa uu digniin u direy ganacatada soo dejinta raashinka eek u kacday arrinta, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaan maanta qabanay raashin dhan 1500 oo daqiiq ah, kaas oo ay shaqaalaha dawladda Hoose soo isagoo galkii laga bedelayo oo lagu darayo dawo buur-buur iyo cayayaanka ka disha.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Waxaan digniin iyo dardaar u diray dhammaan ganacsatada Hargeysa ee iibinaysa alaabtan dhacday, annigu waxaanu u dhaaranay in aan dadweynaha si daacad ah ugu adeegno, sidaa daraadeed waxaanu bilaabi doonaa in aanu soo hubinayo ganacsata goobaha ay raashinka ku kaydiyaan.”

Guud ahaan Somaliland waxa raashinka dhaca iyo dawooyinka ee aanay soo bandhigin ganacsatadu soo dejisa raashinka iyo dawooyinku.

Badi bulshada ayaa waxay ku tuhun badan ka qabeen ganacsatada oo waddanka keenta alaab aan tayo badan lahayn iyo bedelaada alaaba dhacay oo ay wakhtigeeda bedelaan.

raashin dhacay 3 Raashin dhacay raashin dhacay 1

bandhige@gmail.om