Wasaaradda Arimaha Gudaha oo furtay kulan wada-tashi ah oo ku saabsan kor-u-qaadidda ka-qeyb-qaadashada wax-qabadyada haweenka ee dawladaha hoose

Kulan wada-tashi ah oo  ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP oo ay dulucdiisu ahayd kor-u-qaadidda ka-qeyb-qaadashada wax-qabadyada haweenka ee dawladaha hoose ayaa lagu qabtay Maansoor Hotel.

Kulankan  ayaa waxa  ka soo qeyb galey haween ka kala socday dhammaan siddeedda degmo ee uu ka shaqeeyo mashaariicda JPLG ee lagu taageero dawladaha hoose, oo ay ka mid ahaayeen xil-dhibaano golaha deegaanka ah, agaasimayaal iyo madax-qeybeed yo iyo waliba xog-hayayaal dhammaantood wada dumar ah.

Waxa furitaankiisa ka soo qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Ambaasaddoor Cabdifataax Siciid Axmed, Agaasimaha waaxda Gobolada iyo Degmooyinka Maxamed Cali Maxamed, la-taliyaha Waaxda Gobolada iyo Degmooyinka Axmed Dalal Faarax iyo hawl-wadeenada ha’ayada UNDP oo kale ah  Maxamuud Cumar Xuseen, Cabdirisaaq iyo Torril.

Ugu horeyn waxaa furitaanka ka hadlay Agaasimaha Waaxda Gobolada iyo Demooyinka Caaqil Maxamed Cali Maxamed oo si faah-faahsan uga warramay muhiimadda ay leedahay in lamaanuhu ay ka wada qeyb-qaataan maamulka iyo maaraynta dawladaha hoose iyo sidoo kale in haweenka codkooda la maqlo si ay xaqqooda ka qeyb-qaadashada dhinaca go’aan qaadashada u helaan, isagoo xusay in ay imikaba ay qeyb muuqata ka yihiin dhinaca go’aan qaadashada degmooyinka qaar.

Sidoo kale waxa uu caaqilku sheegay in tababarkani yahay wada-tashi ay wasaaradda, Hay’adda iyo haweenka ka hawl-gala degmooyinkaasi ay ka wada-tashanayaan caqabadaha ka hor-taagan boosaska go’aan qaadashada, dhibaatooyinka kale ee ka soo waajaha dhinaca shaqada gudaheeda ee ay ka mid ka yihiin, sinnaan la’aanta dhinaca mushaharooyinka, jawi lagu shaqayn karo , musqulo u gaar. Waxaa kale oo wada-tashigani daarran yahay in la ogaado fursadaha ay haystaan ee ah dhinaca horumarinta iyo xoojinta tayada aqooneed ee haweenka.

Waxaa kale oo ka hadlay tababarkan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha Ambasaddoor Cabdifataax Siciid Axmed oo isaguna ugu horeyn u mahadceliyay Hay’adda UNDP ee qaban-qaabada tababarkan is-xog-waraysiga ah. Waxaa uu Agaasimuhu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in loo sinnaado dhinaca shaqada dawladda dhexe iyo ta hooseba. Waxa kale oo uu ka hadlay doorka ay haweenku ka ciyaari karaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Dawladaha Hoose iyo u sinnaanta lamaanaha ee dhinaca fursadaha shaqo.

Agaasimuhu wuxuu u sheegay ka qeyb-galayaasha in sannadkan gudihiisa ay qaban-qaabin doonaan shir-weyne ballaadhan oo lagu lafa-guri doona caqabadaha haweenka iyo fursadaha jira, wuxuu kale oo uu u sheegay in uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo saxeexay in haweenka iyo dadyawga la hayb-sooco kooto loo xidho.

Maxamuud Cumar Xuseen oo ka socday Hay’adda UNDP ayaa isaguna ka hadlay sida ay lagama-maar-maan u tahay xoojinka iyo ka qeyb-qaadashada iyo sinnaanta dhinaca maamul ee degmooyinka Somaliland oo dhan iyo in haweenka ay si wanaagsan uga qeyb-qaataan, sheegaanna caqabada ku haysta degmooyinka ay ka shaqeeyaan iyo sida xal-loogu heli karo.

Tababarkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa laga filayaa in ay ka soo baxaan warbixin mug-weyn oo sharraxaysa caqabadaha iyo fursadaha lamaanaha gaar ahaan haweenka ku haysta ama laga fili karo guud ahaan dawladaha hoose.

Waxa kale oo lagu bari doonaa laba buug oo kala ah Maamulka Kharashaadka dawladda oo ah bug faah-faahinaya sida loo sameeyo mashaariicda marka la qorshaynayo ilaa marka ugu dambeysa ee hir-gelinta, qiimeynta iyo daba-galka iyo buugga kale oo ah maamulka Shaqaalaha Dawladaha Hoose oo ah wanaajinka shaqaalaha iyo shaqada dawladaha hoose ee dalka oo dhan. Buugan oo ay ku cad-yihiin dhammaan xaqqa qofka shaqaaluhu uu leeyahay iyo xaqqa ay shaqadu ku leedahay si loo helo ujeedooyinka la dhigtay ee horumarinta iyo adeeg-bixinta dawladaha hoose.

20160113_093857

20160113_095045

bandhige@gmail.com