Maxamed Biixi oo baajiyey dadweynihii soo dhoweyn lahaa, fariinna u diray taageerayaasha isbahaysiga Kulmiye

Wasiirkii hore ee Wasarradda Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo dalka dibeddiisa ku maqannaa tan iyo intii shiweynihii Kulmiye ee ay ka biyo-diideen dhacay, ayaa waxa uu ku soo guryo nononayaa wadddanka maalinta Khamiista ayaa waxa uu baajiyey dadweynihii soo dhoweyn lahaaa oo uu sheegay in ay ka qayb galaaan aaska Abwaankii Abwaanki weynaa Cali Sugule Duncarbeed oo Isna maalinta Khaamiista meyd kiisa la keenayo Hargeysa,

 

Hoos ka akhri fariinta war-gelinta:

 

War-gelin

Dhammaan taageerayaashii isku diyaariyay, soo dhawaynta Maxamed Biixi Yonis maalinta Khamiista 14/01/2016 10;00AM, Waxa lagu war-galinayaa in ay ka qayb-galaan Aaska Alle ha naxariistee Abwaankii waynaa ee Cali Sugule oo isna la keenidoono 14/01/2016 9:00am.

Markaa Soo dhawayntii waa la joojiyay, si aan uga wada qayb-qaadano, Aaska Alle ha naxariistee Abwaan Cali Sugule.

Inaalillaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun

 

bandhige@gmail.com