Nabad akhristayaasha sharafta lahoow. Waa qormadeennii tobnaad ee taxanaheennii la magacbaxay, gobolnimo-raadiskii Gabiley oo aynnu ka soo bilownay 1970 naadkii.
Qormadeennan maanta waxaynu ku soo qaadan doonnaa, Gabiley oo u gardhiganaysa madaxda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxda Somaliland marka aynnu leenahay uma jeedno kuwa maanta Somaliland xukuma oo keliya iyo xisbiga Kulmiye. Waxaynuse u gardhiganaynaa kuwa xisbiyada kale hoggaamiya ee berrito marka doorashada la gaadho – haddii Ilaahay idmo – codaynta iyo sanduuqa ii buuxa, Gabiley ku tabi doona!
“Halmadaad halmadaad
Hayaay yaan la dhashayey
Hirigtays marinaayiyo”
Kuwaasi waa erayadii uu (AHUN) Abwaan Cabdilaahi Suldaan ku tilmaamay siyaasiga Soomaaliyeed, marka uu ololaha doorashada ku jiro iyo xodxodashada reeraysan uu la soo baxo xilligaasi doorashada!
Su’aalaha jawaabaha u baahan ee reer Gabiley weydiiyeen – haatanna weydiinayaan madaxda reer Somaliland, waxa ka mid ah:
- Gabiley dhul ahaan iyo dhaqaale ahaanba, gobolnimo ma geydaa?
- Dad iyo duunyo ku filan ma leedahay?
- Haddii jawaabtu haa tahay, halkee laga haystaa?
- Maxay Gabiley geyaankeedii kaga hadhay ee ay illaa maanta gobolku wax u dhiman yahay?
- Halkay ka il iyo oofba laa’dahay Gabiley ee ay qayrkeed iyo qoomaheedba kaga hadhay?
- Halkay Gobolnimada buuxda ee Gabiley ka go’day?
- Ayaa ku fadhiya Gobolnimada Gabiley ee laga fujiyaa?
- Maxay reer Gabiley gobolnimada ugu halgamayaan afartan iyo in ka badan?
Caddaalad-darrada ugu weyn ee uu Aadamuhu sameeyo dhinacyada sharciga iyo dhaqankaba “curfiga”, waxa ugu weyn oo cid waliba ogtahay; Kala sarraysiinta laba sinnaa!!
Waxa iyana ka mid ah caddaalad-darrada bani’aadmigu sameeyo, simidda laba aan sinnayn sharci ahaan!
Haddaba illaa haaatan taasi Gabiley ma haysataa? Maxayse u haysataa?
Waxyaabaha gobolnimada Gabiley u xanniban tahay xilligan ee aanu qof caadiga ogeyn waxa ka mid ah:
- Xeerka caasimadda Hargeysa oo qabyo ah! Xagguu xeerkaasi ka qabyoobey ama yaa ku fadhiya?
- Goboladii dhinnaa ee mar lala magacaabay Gabiley oo laga baqayo, in ay xanaaqaan amma masayraan (hinaasaan); haddii Gabiley xaqeeda la siiyo!
- Caasimadda ayay Gabiley caasha (hoosta) kaga jirtaa! OO waayo?
- Gorof iyo gondaal Gabiley lagu maalo la heli maayo, haddii gobolnimada la siiyo!! Waana qodobkan ka xaqiiqda ah ee Gabiley weligeedba lagu godliyaa!!
Ereyga gondaal “saanweji”), waxa lagu maalaa lo’da – gaar ahaan marka uu ilmuhu ka dhinto. Waxa saanwejigaa laga soo jaray ilmihii sacee dhintay lagu dhisaa, qori leh faraaraha hangoolka oo kale. Haddaba, si aanu sacaasi u gudhin; ayaa gondaalka cusubo iyo caanihiisa loogu lisaa. Marka uu sacu leefana wuu ku godladaa – sidaasi ayaana lagu maalaa oo ku irmaanaadaa!
Gabiley waxa illaa iyo 1970 naadkii gondaal looga dhigtay, “Horta codka (vote) i sii, anigaa gobolnimo buuxda ku siine!”
Waxay Gabiley leedahay, afar arrimoodba ka ilbaxay:
- “Hadhowtaan wax ku siine horta soofi baraarka” Timacadde (AHUN)
- Gondaal aan cusbo iyo caano toona lahayn oo carrabkayga daashada
- ” Halmadaad halmadaad, hayaay yaan la dhashayee” Xilliga foodka ah
- Iyo in sidii hangoolka hawsha uun la igu tebo!!
Waabaynu xiiqnay oo xabeebsanaye, illaa qormadeenna dambe – haddii Rabbi xukumo Ammaano Allah iyo isma dhaafno walaalayaal.
Cabdilaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com