Madaxweyne Siilaanyo waxa uu dhagax-dhigay waddo laami ah oo isku xidha Hargeysa, Oodweyne iyo Burco

????????????????????????????????????

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa waxa  uu maanta ka qaybgalay xaflad balaadhan oo lagu daahfuray qaadhaana loogu ururinaayey waddo laami ah oo isku xidhidoonta Hargeysa, Oodweyne iyo Burco oo dhismeheedu ka bilaabmay maanta Tuulada Diinqal oo noqon doonta halka looga baydho ama looga weecdo isku xidhka saddexdaa magaalo.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay xafladan dhagax-diga ayaa waxa hadaladisii ka mid ahaa:

“Maanta Sharaf aad iyo aad u weyn ayey ii tahay wanan idinka mahadnaqayaa sida qiimaha iyo qaayaha leh eed noo soo dhawayseen wana sidii idin caadada ahayd, aad iyo aad ayaan idinku mahadcelinaynaa mar kale, run ahaantii isku xidhka wadooyinka dalku waa waxa ugu muhiimsan, annaguna hadii aanu nahay dawladda waajib iyo xilna saaran weeyi in aanu marwalba dhiirigelino dalka isku xidhkiisa, isu talawgiisa iyo isu socodkiisaba, wadooyinkaa aynu maanta dhisayno waa wadooyinka ugu mudan dalka, waa wadooyinka qiimaha iyo qaayaba ugu fadhiya, markaa aad ayaan ugu faraxsanahay waxaanan balan qaadaynaa in aanu gacan weyna ka geysan doonaa oo aanu waajibka iyo xilka nagalla gudboon aanu si wacan uga soo baxno, Insha Allaa waxan inoo rajaynayaa inay guul inoogu dhamaan-doonto idinkana waxan idinka mahadcelinayaa sida sharafta iyo qiimaha leh eed noogala soo qaybgasheen iyo gacanta aad ka geysateenba.”

Ugu danbayn Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed “Xagla-toosiye” ayaa wuxuu ku wareejiyey gaadhi Unbalance ah oo uu madaxweynuhu kharashkiisa bixiyey ku wareejiye Maamulka Deegaanka iyo Madax-dhaqameedkaba si loogu adeego bulshada ku dhaqan halkaas.

silaalnyo wefti 3 silaalnyo wefti silaalnyo wefti 2

bandhige@gmail.com