Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya Tedros Adhanom oo kulan kula yeehay dhigiisa Somaliland Sacad Cali Shire magaalada Addis Ababa ayaa waxa uu sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya la sii xoojin doon dhinacyada horumarka, ammaanka iyo waxbarashada.
Khamiistii galinkii hore ayuu Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland ka soo noqday magaalada Dubia oo isaga xubno ku soo dhameeyey saxeexa heshiiska dekedda Berbera oo ay wada-galeen Somaliland iyo DP World,.
Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya Tedros ayaa waxa uu in xoojinta iskaashigaย Somaliland keeni karto natiijo wanaagsan oo la rabo in gobolku gaadho taasi wax badan ku so kordhinta dhinacyada horumarka.
Dhanka kale wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa waxa uu soo dhoweeyey, kana mahad celiyey taageerada Itoobiya ee dhinacyada ammaanka, horumarka iyo waxbarashada ee ay Somaliland la leedahay.
Wasiirka ayaa sheegay in Itoobiya iyo Somaliland ay si dhow u shaqeeya oo ku salaysan wada faaโiidaysi labada dal.
Xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland ayaa la filayaa in uu ka sii wanaagsanaado, kadib markii ay Somaliland la gashay DP World heshiiskan balaadhinta iyo casriyeynta dekedda Berbera oo ay dawladda Itoobiya dano gaar ah ka leedahay kuwaas oo ay in ay isticmaasho dekedda Berbera.
Xigasho wararka wakaaladda wararka ENA Itoobiya.