Itoobiya waxay soo afjartay 10 bilood oo xaaladdii deg degga ah waddanku ku jiray

 

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa qaaday xaaladdii degdegga ahayd ee uu dalku ku jiray tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore.

Xaaladda degdega ah ayaa looga gol lahaa in wax lagaga qabto mudaharaadyadii dawladda lagaga soo horjeeday.

Muddada xaaladda degdegga ah ee markii hore la soo rogay ayaa ahayd lix bilood, balse afar bilood oo kale ayaa lagu kordhiyay.

Mudaharaadyada dawladda lagaga soo horjeeday ayaa ka dhacay gobollada Oromada iyo Amxaarada.

Labadaas qawmiyadood ayaa dalbanayay galaangal siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo dheeri ah, iyaga oo sheegay in la gacan bidixeeyay.

Waxyaabaha la mamnuucay intii xaaladda degdegga ah lagu jiray waxaa ka mid ahaa:

  • In baraha bulshada loo isticmaalo in lagula xidhiidho waxa loogu yeedhay “xoogagga dibadda”
  • In la abaabulo mudaaharaadyo “ay u badan yahay in ay horseedaan, carqalad, rabshado, nacayb ama aaminaad darro soo kala dhex gasha dadka”
  • In la sameeyo astaamo siyaasadeed, sida in aad gacmaha isdhaafiso adigoo madaxa ka sare marinaya.

bandhige@gmail.com