Itoobiyaan Ay Israa’iil Qaadayso Oo Muran Ka Dhex Abuuray Yuhuuda

Itoobiyaan Ay Israa’iil Qaadayso Oo Muran Ka Dhex Abuuray Yuhuuda

Kumannaan Itoobiyaan ah oo ku nool xeryo qaxoonti oo u dhow magaalada Addis Ababa ee casimadda dalkaas ayaa isu diyaarinaya in ay Israaโ€™iil dhoofiso dhulka ay dawladdeedu ka dhisantahay. Benina Tamano-Shata, wasiirka Socdaalka ee Israaโ€™iil oo iyada qudheedu ka mid ah Itoobiyaanka ay hore Israaโ€™iil u gurtay ayaa sheegtay in dabayaaqada sanadkan 2020 ka iyo 2022 ka la qaadi doono dadkan.

 

Dadkan oo qaarkood ay fursaddan sugayeen sannado badan ayaa qaadistoodu ay muran badan ka dhex abuurtay dadka Yuhuudda ah, maadaama oo aanay dadka la qaadayaa ahayn Yuhuud, balse ay yihiin qaraabada iyo tafiirta dad aan dhalasho ahaan reer Israaโ€™iil ahayn balse diin ahaan uun Yuhuudiyadda u qaatay.

 

Dadka Yuhuudda ku abtirsanaya ee Itoobiya ayaa isugu jira kuwo diinta haysta oo lagu magacaabo Beta Israaโ€™iil iyo kuwo kale oo iyagu diinta Kiristaanka qaatay ama guursaday qof Kiristaan ah oo lagu magacaabaa Falashaha (Falash Mura). Laakiin badankoodu diinta Kiristanka doorasho kuma ay qaadan ee taariikho hore ayaa dawladihii Itoobiya ay ku qasbeen ama ku rideen xukunno maxkamadeed oo ku qasbaya in ay kiristaan noqdaan.

 

Dad badan oo xitaa ay ku jiraan dad ka mid ah Yuhuuddii hore looga qaaday Itoobiya ayaa ka soo horjeeda in dadka ay Israaโ€™iil ka qaadayso Itoobiya aan lagu eegin in ay Falasha yihiin, oo macnaheedu yahay in ay diinta Yuhuudda qaateen, balse lagu eego in ay isir ahaan Yuhuud yihiin. Waxa ay ka digeen haddii aan sidaas la odhan in ay suurtagal noqon karto in dad Kiristaan ama muslimiin ahi ay soo dhex raacaan, taas oo mustaqbalka dhaawaci karta istaraatijiyadda Israaโ€™iil ee ah in Israaโ€™iil ay noqoto dawlad ay leeyihiin dadka isir ahaan Yuhuudda ahi.

Sida oo kalana dad badan oo Yuhuud ah ayaa aaminsan in Yuhuudiyaddu ay tahay diin isirka Yuhuudda u gaar ah oo ay u dhasheen sidaas awgeed aanay sax ahayni n qaddarin la siiyo cid isir ahaan aan Yuhuud ahayn oo diinta Yuhuudda qaadatay.