Gabadh Furniin Ka Dalbatay Saygeeda Oo Ay Jacaylkiisa Xad Dhaafka Ah U Adkaysan Kari Wayday
Haweenay u dhalatay dalka Hindiya oo muslimad ah ayaa maxkamadda geysay dacwad ay ku dalbanayso in laga furo saygeeda oo ay 18 bilood qoys ahaayeen. Arrinta yaabka lihi maโaha furitaanka degdegga ah ee ay gabadhani dalbatay, balse waa waxa ay ku sababaysay oo ah in jacaylka xad dhaafka ah ee uu u qabo awgeed.
Garsooraha maxkamadda ayaa hakiyey goโaan ka gaadhista dacwadda gabadhan, waxa aanu amray in ay waqti dheeraad ah sii wada joogaan si ay fursad ugu helaan in ay inta hadda in ka badan is fahmaan iyo in ay latashiyo ka soo sameeyaan furitaanka iyo sida oo kale in mid kastaa naftiisa dib ugu noqdo.
Sida uu ku warramayo wargesyska โThe Tribuneโ ee ka soo baxa dalka Hindiya gabadhan ayaa dacwaddeeda ku sheegtay in saygeedu aad u jecelyahay taasina ay sababtay in aanay muddadaas ay aqalka lahaayeen mar keliya is khilaafin, in aanu hadal kulul ku odhan, in aanu ku qaylin iyo in aanu weligii arrin ay samaysay ku ceebaysan kuna canaanan.
Gabadhani dacwaddeeda waxa ay ku tidhi, โIguma qayliyo, ima rabsho, wax keliyana iguma dhibo, balse waaba uu I garab istaagaa guriga oo uu shaqada guriga iga caawiyaa, isla markaana cuntada kariyaa โฆ Mar kasta oo aan gefo waa uu i saamaxaaโ Iyada oo intas ku dartay, โNeefta ayuu igu dhejiyey .. waxa aan doonayaa in aan la murmo, umana baahni nolol uu saygu igu waafaqayo wax kastaโ
Garsooraha ayaa warqadda uu dacwaddan ku hakiyey waxa uu ku sheegay in ay tahay dacwad โMacno darro ahโ sidaas awgeed maโ uu aqbalin codsiga gabadhan.
Ninka ay gabadhu jacayl badnaanta kaga cabatay ayaa isaguna sheegay in ay run tahay in uu afadiisa aad u jecelyahay, sidaas awgeed jecel yahay in uu mar kasta farxad geliyo, waxa aanu maxkamadda ka codsaday in aanay aqbalin codsiga furniinka ah ee ay u gudbisay.
Waxaa qoray Kamaal Axmed Cali