Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland Ayaa Daah furtay Qalab Cusub Oo Lagu Maamuli Doono Hirarka Isgaadhsiinta
Wasaarada isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta daah furtay Qalab cusub oo lagu maamuli doono Hirarka isgaadhsiinta,isla mar ahantaana Lagu hubin doono shucaaca ka soo baxa Taawarada, oo shacabku cabasho Xoogan ka soo gudbiyaan.
Xaflada oo saaka la qabtey waxaa ka soo Qayb galay madaxda wasaarada isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada, iyo waaxeheeda kala duwan, Shirkadaha isgaadhsiinta, ee dalka ka hawlgala.