Xaflad aadย u balaadhan oo ay kasoo qayb galeen jaaliyadda Somaliland ee taageersan xisbiga Kulmiye ayaa waxay xaflad sagootin ah u qabteen Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna musharaxa Madaxweyne ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo haatan muddooyinkii u dambeeyey safar ku joogay dalka Ingiriiska.
Xafladan ayaa waxa ku wehelinayey ย Guddoomiye Muuse Biixi masuuliyiin ka mid ahaa weftigii uu hoggaaminayey Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo toddobaadadanba ku sugnaa dalka Ingiriiska.
Taageerayaashan ayaa waxay ahaayeen qaar tiro badan, inkasta Guddoomiye Muuse ku diirsaday soo dhoweyntaa, waxa sidoo kale xisbiga Waddani isagu maalmahan xaflado waaweyn u qabtay taageerayaal ku soo biiray xisbiga kuwaas oo ay ka mid ahaayeen isbahaysigii Kulmiye ee ka cadhooday shirweynihii Kulmiye ee lagu doortay Musharaxnimada Muuse iyo Saylici.
Si kasta oo ay ahaataba waxa haatan laga ololihii doorashada ee ay taageerayaashu iskaga diga rogan jireen xisbiyada.