Taageerayaal ka soo jeeda deegaannada Hawd iyo Hargeysa ayaa ku biiray Waddani

Taageerayaal kasoo jeeda deegaanada Hawd iyo Hargeysa ayaa waxa ku biireen xisbiga Waddani ka markii uu xisbiga Waddani u balan qaaday Xildhibaan Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde in uu noqon doono Guddoomiyaha xisbiga Waddani kadib shirweynaha koowaad ee xisbiga Waddani oo lagu wado in uu dhaco 19-ka bishan ay ku jirno.

Taageerayaashan ayaa waxa hoggaaminaya Xildhibaan Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde oo hore isagu ugu biiray xisbiga Waddani.

In kasta oo uu Xildhibaan Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde hore uga mid ahaa Xisbiga Waddani, haddana waxa keentay inuu tageerayaashan wada hantiyo, kadib markii uu Murashaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiilaahi (Cirro), cadeeyay in uu jagada Guddoomiyaha uga degaayo Cabdiqaadir Jirde.

Xaflad weyn lagu soo dhoweynayo taageerayaashan ayaa waxay maanta ka dhacday Hudheel Guuleed.

Taageerayaashan maanta ku biiraya Waddani ayaa waxa hore u ahaayeen taageerayaasha urur siyaasadeedkii Xaqsoor oo isagu ku hadhay tartankii ururada, horena waxay u ahaayeen jireen taageerayaashii xisbiga Kulmiye wakhtigii uu Madaxweyne Siilaanyo Guddoomiyaha uu ka ahaa.

Hanashada Taageerayaasha ayaa waxay ku timid bixinta Guddoomiyaha xisbiga Waddani oo ka mid ah kaadhadhka siyaasada ee uu ciyaaray Guddoomiyaha Waddani.

Inkasta oo ay Waddani ku soo biireen siyaasiyiin mugleh oo qaarkood ka tageen xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda, qaarna ay kasoo diga rogteen Soomaaliya, balse wali loolam adagi ka taagan yahay tartanka Musharaxa Madaxweyne-ku-xigeenka Waddani oo ay ku tartamayaan laba musharax oo ka soo jeeda Gobolka Awdal.

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasada ayaa waxay sheegayaan in labadaa musharax uu guuleysan doono midka uu Cabdiraxmaan Cirro dhabarka taabto, inkasta oo ay u badaniyaan musharax isagu ku cusub xisbiga Waddani.

waddani-1 waddani-2 waddani-4 waddani-5 waddani

bandhige@gmail.com