Kerry waxa uu wada-hadala la leeyahay qaar ka mid ah madaxda dalalka Yurub, wuxu kala hadlayaa xaaladda Suuriya

Kadib markii Maraykanka iyo Ruushku isku afgaran waayeen xaalada Suuriya oo la rabay in laga hirgaliyo xabad joojin, balse ay warbaahinta u sheegeen in la wado hababka kale oo xabad joojin lagaga hirgalinayo Suuriya, ayaa waxa uu Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry doonayaa in uu socdaal ku tego Ingiriiska oo uu doonayo in uu la yeesho kulamo wadatashi oo ku saabsan xaalada Suuriya.

Kulankaa wadatashi ayaa waxa kale oo ka soo qayb galaya wasiiradda arrimaha dibedda Faransiiska iyo Jarmalka.

Arrintaasi waxay daba socotaa kaddib markii sabtidii Kerry uu la kulmay wasiirada arrimaha dibadda ee Ruushka iyo dalalka deriska la ah Suuriya.

Kullankaas oo ka dhacay dalka Switzerland, waxay ku fashilmeen madaxdii ka qeybgashay, in ay heshiis xabad joojin ah ka gaadhaan colaadda Suuriya.

Laakiin Kerry waxa uu sheegay in fikrado cusub laga wada hadlay, ayna dhallin karaan fikradahaasi in habab kala duwan nabad looga dhaliyo Suuriya.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka, Sergei Lavrov, wuxuu fikradaha cusub ku tilmaamay in ay yihiin kuwa muhiim ah.

bandhige@gmail.com