Jahowareer ka taagan hannaaka uu Donald Trump u magacaabayo golihiisa wasiirrada

 

Waxa maalmihii ugu dambeeyey ka taagnaa daarta Trump ee New York ku taalla jahowareer la xidhiidha cidda la magacaabayo iyo sida loo magacaabayo.

Inta uu la wareegayo xilka waxa la sheegay in uu Trump ku shaqayn doono daartiisaa caanka ah ee ku taalla xaafadda ugu qaalisan New York ee la yidhaa Manhattan. Waxa jira kooxo iska soo hor jeeda oo ka wada tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo qoyska Trump oo kala riixanaya awoodaha mid walibana doonayo in cid uu wato loo magacaabo, kuwaas oo kiyuu ugu jira sidii ay Madaxweyne Trump ugula kulmi lahaayeen xafiiskiisan ku-meel-gaadhka ah.

Ilaa hadda waxa uu Donald Trump magacaabay Maamulaha Guriga Cad oo uu u magacaabay Reince Priebus oo ahaa Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Xisbiga Jamhuuriga iyo Stephen Bannon oo uu u magacaabay la-taliyaha dhinaca siyaasadda.

Magacaabista Stephen Bannon ayaa buuq ka abuurtay Maraykanka isaga oo ah nin caan ku ah cunsuriyadda isla markaana aaminsan in caddaanku ka xigaan Maraykanka dadka kale.

Hase ahaatee Donald Trump oo sidii caadada u ahayd Twitter-ka isticmaalaya ayaa tibaaxay in qorshaha magacaabista xubnaha xukuumaddu ay sidii ugu habboonayd u socdaan.

Trump ayaa sidoo kale la filayaa in uu kaga baxo rag badan oo la soo shaqeeyey wakhtigii ololaha. Waxa ka mid ah Badhasaabka New Jersey Chris Christie oo aad ula soo shaqeeyey. Tallaabadii koowaad waxay noqotay in uu ka wareejiyo guddida ku-meel-gaadhka ah oo uu guddoomiye uga dhigo madaxweyne-xigeenka. Tallaabadii labaadna waxa laga baqayaa in ay noqoto in uu daaqadda ka tuuro maadaama wiil uu soddog u yahay oo awood badani uu Badhasaabkan col la yahay.

Khubarada faallaysa siyaasadda ayaa tibaaxay in uu Trump la yimid dhaqan ugub ku ah guriga cad isaga oo aan weli xilka la wareegina la dareemayo in uu yahay Trump-kii la yaqaanay ee caanka ku ahaa in uu meel isugu keeno kooxo is neceb oo uu isku garaaco.

Waxa hadda isha lagu hayaa magacaabiso cusub oo laga yaabo in uu sameeyo maanta iyo maalmaha soo socda. Dadka sida weyn loo filayo waxa ka mid ah Rudy Guilliani, Duqii hore ee New York, oo la filayo in uu u magacaabo Xoghayaha Arrimaha Dibedda. Guilliani ayaa lagu xantaa in uu ka tirsan yahay caddaanka xag-jirka ah.

Bandhige kala soco wixii hadkba ka soo kordha ammuurtan.

BANDHIGE NEWS

Bandhige@gmail.com