Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir “Faratoon” iyo Agaasimaha Guud ee wasaaraddu Amb. Cabdifataax Siciid Axmed ayaa maanta kulan xaasaasiya la yeeshay u qaabilsanaha Somaliland Iyo Somaliya iyo geeska Afria Ee Ha’yada UNICEF Steven Lauwerier oo fadhigiisu yahay magaalada Nayroobi ee dalka Kiiniya.
Kulan ayaa lagaga wada hadlay mashruuca ay ha’yadani gacanta ku hayso ee dhimashada iyo dhalashada carruurta yaryar kaasi oo ka socdal lix degmo halka imika lagu daray 4 degmo oo kale.
Ugu horeyn Agaasimaha guud ee wasaarada Arrimaha Gudaha Amb. Cabdifataax Siciid Axmed ayaa ka waramay mashruucan iyo wakhtigii la bilaabay iyo goobaha uu ka socda, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Aniga oo sharaxaad guud ka bixinaya mashruucan dhalashada iyo dhimashada carruurtu waxa uu bilaabmay 2013-kii isagoo wakhtigaas ku bilaabmay saddex degmo, halka mar dhexe laga dhigay lix degmo, haddana waxa laga dhigayaa 10 degmo oo u kala qaybsamaya 6 degmo oo hore iyo 4 degmo oo cusub, degmooyinkaas ayaa waxa ay kala yihiin Berbara, Hargaysa, Burco, Borama , Laascaanod, Ceerigaabo, Gabiley, Caynaba, Oodweyne Iyo Saylac.”
Dhinaca Kale Steven Lauwerier oo u qaabilsanaha Ha’yada UNICEf Somaliland iyo Soomaaliya oo dhankiisa ka hadlay mashruucan ayaa waxa uu sheegay in uu mashruucani muhiimad u leeyahay Somaliland, sidoo kale waxay sheegay in ay somaliland ku talaabsatay horumar balaadhan oo dhanka arrimaha bulshada.
Mashruucan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee ka hirgala guud ahaanba geeska Afrika iyadoo ilaa hadda shahaadooyinka dhalashada la guddoonsiiyey 1060,000 oo carruura.
Mashruucan oo ah laba qaybood oo kala ah dhalashada iyo dhimashada carruurta iyo sidoo kalena diwaangelinta guurka iyo furniinka oo la bilaabmi doonno dhowaan.
Kulankan oo u badnaa mid warbixin ah ayaa Wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaarada waxa ku wehelinaayey agaasimaha waaxda dhalashada ee wasaarada Maxamed Jibriil iyo madaxa laanta diwaangalinta Maxamed Jaamac Colow iyo lataliyaha Wasaarada Arrimaha Guddaha Cabdikariin Cabdi Aadan.
Shirkan oo ahaa kii koowaad ee madaxda ha’ayada ay isku arkaan wasiirka Arrimaha Guddaha tan iyo markii loo magacaabay xilka wasaaradda.