Murashaxii hore ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa beeniyey in garabkiisu la midoobeen xisbi. Jamaal wuxu tibaaxay in guddidii uu wada-hadallada u saaray ay laba u kala jabeen qayb ka mid ahina iskeed ay ugu biirtay hal xisbi laakiin aanay ku metelin isaga. Jamaal wuxu sheegay in uu issagu go’aan soo gaadhi doono gadaalna ka soo sheegi doono xisbiga uu ku biirayo.
Dadka siyaasadda indho-indheeya ayaa Jamaal beryihii maalmihii uu dambeeyey ku dhalliilayey in uu go’aan degdeg ah qaadan la’yahay, waxayna u muuqataa in ay taasi tahay sababta ay hadda u kala jabeen guddiduu uu wakiishay.
Jamaal oo mar dhawayd qoraal kooban ku baahiyey Facebook-ga, qoraalkiisa oo dhammaystirani wuxu u dhigan yahay sidan:
Waxaan ku war gelinayaa dhamaan taageerayaasha, bulsho weynta Somaliland in shirkii jaraa’id ee maanta la sameeyey ee la yidhi Garabkii Jamaal Cali Xuseen ayaa meel ku biiray aanu matelaynin maqifkayga, iyo garabka aan hogaaminaayo. Guddiddi aanu u igmanay wadahadaladda in ay kala jabeen; oo ay jiraan masuuliyiin ka mid ah iyo madax kale oo doonay in ay meel ku biiraan runtii may ahayn in saxaafadda ka sheegaan arrin aan laysla ogeyn. Dadku waa kala fikrad, xorna way u yihiin, dadkii aanu soo wada shaqaynayna xaq bay u leeyihiin in ay ku biiraan meesha ay rabaan. Maadaama ay gudiddii wadahadaladu ay kala jabeen, waa inaan anigu go’aan qaataa. Haddaba aniga Jamaal ahaan halka aan u hogaaminaayo taageerayaashayeena waxaan soo sheegi doonaa ayaamahan soo socda inshallah. Laakiin way jiri karaan shakhsiyaad garabkayagii ka mid ah oo sugi kari waayey oo iyagu jeclaystay in ay meel ku biiraan sida dhacday maanta. HADDABA ILAA IMIKA MEEL AANU KU BIIRNAY MA JIRTO GARAB AHAAN. Inshallah waa inoo iyo ayaamaha soo socda.