Jamaat-ur-Axraar oo ahaa hoggaamiye Daalibaan ah oo caan ah ayaa isu dhiibay ciidamada Baakistaan

Ciidamada Baakistaan waxay sheegeen in 558 dagaalyahan isa soo dhiibeen tan iyo bishii 2aad.

Af-hayeen u hadlay ciidamada milatariga ah ee Baakistaan oo magaciisa la yidhaa Asif Qafoor goor dambe oo shalay ah mar uu shir-saxaafadeed ku qabtay magaalada Rawalpindi oo u dhaw magaalo-madaxdal dalkaas ee Islamabadayaa xaqiijiyey in uu isa soo dhiibay hoggaamiyii Daalibaan ee caanka ahaa Jamaat-ur-Axraar oo madax ka ahaa kooxda la yidhaa “Juca” ee qaabilsan weerarrada caalamiga ah.

“Waxay tani ku timid dedaallada adag ee ay dadka iyo xukuumadda Baakistaan samaynayaa si ay horumar uga gaadhaan dhinaca amniga” ayuu yidhi Asif Qafoor.

“Dadkuu marka hore ku fikiri jiray in ay na soo weeraraan ayaa maanta ogaaday in ay xaaladdu taas ka duwan tahay” ayuu raaciyey Qafoor.

Afhayeenku wuxu sheegay in aanay jirin guul ka wayn marka la arko kuwii xumaanta ku jiray oo garawsaday xumaantii ay ku jireen kadibna ka soo noqday.

Haddii warkani dhab yahay Jamaat-ur-Axraar wuxu noqonayaa masuulkii ugu darajada sarreeyey ee ka tirsan Daalibaan ee isku dhiiba xukuumadda Baakistaan.

Bilihii ugu dambeeyey kooxda Daalibaan waxay weeraro ba’an ka fuliyeen Baakistaan. Bishii February oo kali ah waxay qaraxyo is daba joog ah ku dileen 130 qof.

Xukuumadda Baakistaan ayaa laga soo bilaabo bishii February qaadday guluf ay ku eekaysay kooxaha loog yeedho argagixisada iyadoo sheegtay in ay dishay 108 dagaalyahan isla markaana xabsiga dhigtay 4,510 oo daaalyahan.

Sidoo kale Baakistaan waxay sheegtay intii uu gulufkani socday in ay isa soo dhiibveen 558 dagaalyahan oo ka tirsan kooxaha kala duwan ee Daalibaan.

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah

Bandhige@gmail.com