Wasiirka Duulista wuxu la kulmay wefti u socda qorshaha terminal cusub oo laga dhisayo Madaarka Cigaalka iyo duulimaadyada shirkada Turkish Airlines

 

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe oo ay weheliyaan Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Duulista  Axmed Nuur Faahiye, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Cumar Cabdilaahi Aadan, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka socda Dalka Turkiga oo uu hoggaaminaayo Ali Noyan, Turkey Consulate General Somaliland.

Weftigan oo ka koobnaa laba qaybood oo kala ah U Qayabsanaha Turkish Airline Ebubekir Ekici iyo Ramazan Senturk oo ka socda shirkadda Kozuva Group Of Companies.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe oo kulankaasi kadib Saxaafada la hadlay, ayaa faahfaahiyey ujeedada socdaalka weftigani waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay:

“Waxa aanu maanta (Shalay) halkan shir ku wada galnay wefti ballaadhan oo ka socda Dawladda Turkiga, weftigaasi labo qaybood ayuu isugu jiray qaybi waxay u socdeen suurtagalnimada iyo sidii loo bilaabi lahaa inay Turkish Airline ugu bilaabi laheyd hawlo shaqo Jamhuuriyadda Somaliland, waxa weftiga ka mid ahaa Ebubekir Ekici oo ah u qaybsanaha hawlaha Geeska Afrika ee Diyaaradda Turkish Airline, weftiga waxa hoggaaminaayay qunsulka Dawladda Turkiga u jooga Somaliland iyo gacan yarahiisa waxa kale oo ka qayb ahaa shirkad hore wada hadal noogu socday oo la yidhaahdo  Kozuva Group Of Companies wadahadalkaasina waxa uu ku saabsanaa sidii Terminal cusub oo casriya looga dhisi lahaa Madaarka Hargeysa. Runtii labo jeer oo hore ayaanu kulanay intii aan wasaaradan wasiirka ka ahaa qodobo aanu ku kala tagnay way jireen waxaad moodaa Maanta (shalay) inaanu isku soo dhawnahay sidii wadahadal iyo heshiis laga gaadho sidii loo samayn lahaa Terminal cusub oo casri ah oo uu yeesho Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeisa.”

Wasiirku isaga oo ka hadlaaya imaatinka Diyaaradda Turkish Airline, waxa uu yidhi:

“Qolada Turkish Airline waxaanu isla meel dhignay inay duulimaadyadooda ay bilaabaan laakiin qodobo ayaa noo dhiman weli aanu isla eegayno haddii kuwaasi noo suurto galaan waxay noqonaysaa inay duulimaad toosa oo Yurub ah bilaabaan oo ah Jabuuti-Hargiesa – Istanbul ama noqdaana Istabul-Hargiesa –Jabuuti, markaa weli wadahadal baa noo dhiman waananu xalinaynaa insha allaahu tacaalaa, weftigu shalay (doraad) ayuu yimmi maantana (shalay) waa nala joogayaa berina way noqonayaan (Maanta).”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watta ayaa yidhi:

“Waxaanu isla eegaynaa hindisayaasha iyo qorshayaasha anagoo tixgelinayna tirada rakaabka aanu haysano sanadkii diyaaradaha heshiiska hore ugu jiray ixtiraamayna iyo sidoo kale anaga oo eegayna baahida loo qabi karo in Diyaaradaasi timaaddo oo fursad wanaagsan u ah Somaliland, anaga oo ka fikirayna sidii labadaasi isu qaban lahaayeen labadaba isku ilaalinayna ayaanu isla gaadhnay inay duulimaadyadooda ka bilaabaan Madaarka Hargeysa wixii farsamo ah way noo hadhsan yihiin inay muddo qaadatana waa laga yaabaa.”

Wasiirku waxa uu tilmaamay in wakhtigan heshiiska Terminal-ka lagu dhisayaa, gabagabo yahay waxaana uu yidhi:

“Tan kale ee Terminal kana si guud waanu isla waafaqnay qodobo yar oo muhiima ayaa noo dhiman kuwaa haddii aanu isla meel dhignana waxay noqonaysaa inaanu heshiiska iskaashi ka gaadhno.”

Wasiir Farxaan waxa uu tilmaamay in tallaabadan faa’iido ugu jirto Qaranka, waxaanu yidhi:

 “Waxaan leeyahay waa fursad wanaagsan oo u soo korodhay Somaliland oo horumarka iyo himilooyinkii Madaxweynaha ka mid noqon doonta oo hirgalay haddii hawshaasi noo suurto gasho muddada ka hadhay doorashada.”

bandhige@gmail.com