Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheyntu waxay soo kormeereen mashaariicda SDF ka wado Gobolka Saaxil

 

Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka JSL oo ka kooban Wasiirku-xigeenka Madaxtooyadda, Wasiirku-xigeenka Hawlaha guud iyo masuuliyiin ka socota Sandquua Horumarinta Somaliland ee SDF ayaa safar shaqo oo ay ku soo indha indhaynayaan halka ay marayaan mashaariicda laga maalgaliyo SDF ugu baxay deegaano ka mida gobalka saaxil.

Weftigu intii uu ku sii jiray waddada u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa warbixino ka dhagaystay hawlwadeenada Wakaalada Horumarinta Waddooyinka waxaana warbixin ka siiyey Yaasiin Cali Aaden oo ka waramay wajiga sadexaad ee dib udhiska waddada isku xidhidha Hargeysa ilaa Sheekh iyo maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay. Sidoo kalena waxa isaguna halkaasi warbixin ku siiyey Waftiga Najax Aadam oo ka mida masuuliyiinta SDF oo ku dheeraaday mashaariicda kala duwan ee laga maalgaliyey SDF isagoo tilmaamay sida durba loo arkay faa’iidadooda oo uu tusaale u soo qaatay waddadaasi iyo mashaariic kale oo waxa ku ool ah oo haatan gabgabo ku dhaw.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasriiku-Xigeenada Wasaaradda Madaxtooyada Axmed Xaashi Cabdi iyo Hawlaha guud Mud. Liibaan Yuusuf Gaxnuug oo ka marag kaacay faa’iidooyinka mashaariicdan aadna ugu bogaadiyey Hayada Horumarinta Waddooyinka iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF

Gabagabadiina waxa halkaas ka hadlay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Maxamed Ibrahim Aden Qabyo tire oo ku dheeraaday dadaalka xukuumada ee wax ka qabashada arimaha bulshada isagoo ku tilmaamay sida ay xukuumadu had iyo jeer uga hawlgasho dib udhiska dalka iyo horumarkiisa waxaanu sheegay inay xukuumad ahaan ka go’antahay in mashruuc kasta inta ka dhiman la dhamaystiro.

Intaa ka dib waxay waftigu booqdeen xafiiska Wasaaradda Degaanka ee Magaaladda Berebera halkaas oo ay soo kormeereen mashruuca horumarinta deegaanka oo laga maalgalinayo SDF. Waxaanay waftigu halkaas warbixin kaga dhagaysteen masuuliiyiinta Waasaaradda Deegaanka ee gobalka Saaxil.

bandhige@gmail.com