Safarrada loo baxo badiba baadiyaha gobollada Somaliland, gaar ahaan kuwo lagu tago deegaanada ku teedsan caasimadda Hargeysa ama gobollada ku dhaw caasimaddu, waa kuwo wata dhib iyo diif, mucuurtoon iyo daal muddo qaata, haddiiba ay dhacdo in aad gasho safar baadiye adiga oo ku safraya gawaadhida nooca loo yaqaano caanoolaha (Dyne) ama xaajiyadaha dusha banaan ee rakaabka u kala goosha Gobollada iyo degmooyinka dalka , waxa hubaal ah inaad dareemi doonto mucuurtoon muddo qaata haddii aad tahay qof aan safarkaasi wali hore ugu bixin ama ku cusub deegaanka; waxaanu kugu kalifi doonaa in uu maskaxdaada ku reebo su’aalo badan oo aad hor dhigi doonto calaamatu su’aal weyn.
dhalinyaradda laga yaabo in ay u baholyoobaan qaar ka mida eheliyadooda oo aaney muddo arag ee badana ku jira wakhtiyada fasaxa ee dugsiyadooda , waxay ku reebi doontaa isbedel togan oo laga yaabo in aaney dib danbe miyi ugu boholyoobin ; iyada oo ay ugu wacan tahay jidxumada, cidhiidhiga dariiqa iyo ooda afka isa saartay ee ilkoyarta ah ee maryahaaga soo abaareysa ; waabad ladan tahay haddii wajigu kuu badbaado oo aaney oodu ku qabsan , wuu arkay ninkii soo arkaye sida aad marna dhulka u galayso marna circa u galayso ayaa laga yaabaa in aad soo matagto caanihii aad hooyadaa ka jaqday.
waxyaabaha aad la yaabayso ee ay sababtay damiir xumo hal qof horseed ka yahay bulshada aaguna ku daawaneyso waxa ka mida ninka beerta leh oo soo cidhiidhyanaya marinka seddexda mitir ku soo koobmey ee gaadhiga , hadii laba gaadhi iska hor yimaadaan waxa khasab ah in mid istaago si ka kale u dhaafo
Qofka laga yaabo in uu xanuun u jireysan yahay, umusha sadkeedu go’ey ee foosha u diyaarka ah , waalidka dada ah iyo caruurta yaryar waa kuwa u badan ee waddo xumadda dariiqyadda baadiyuhu ay saameynta u badan ku yeeshaan , iyada oo laga yaabo in umushu aaney naxba la soo gaadhin goobta adeega caafimaadka ee loogu talagalay
Anniga oo ku guda jira safarkayga oo aan ku tagay degmooyinka , balli cabane, laanta iyo waddo bariis oo qiyaastii 60km kaga began koonfura magaalada hargeysa islmarkaana ah degmooyinka iyo tuulooyinka uu marro xadka Somaliland , sidoo kalana dhamaantood hoos yimaada gobolka HAWD waxaanan is weydiiyey dadkan iyo dalkan cida u maqan ee masuuliyadda arrintani la weydiin doono maalinta yawmul bacdi wal jazaa ee dib laysku xisaabin doono.
Waxyaabaha aad la yaabi doonto waxa ka mida iyada oo aaney jirin qorshe xukuumadeed oo mustaqbalka deegaamadaasi loogu talagalay in wax lagaga qabto waddo xumadda dhibta ku haysa dadka iyo duunyadaba , taas oo laga yaabo in aad haddii ay ku qabsato aad dareemi doonto dhibaatooyinka joogtada ah ee haysta qaybta ugu badan bulshadeena ee reer baadiyaha ah
Qalinkii : Axmed Maxamed Cisman Caalin
Email: caalin178@hotmail.com