In ka badan kun qof ayaa maalintii shalay laga soo badbaadiyay xeebaha bada Liibiya iyadoo la soo gaadhsiiyay jasiirada Sicily ee dalka Talyaaniga.
Dadkan oo la sheegayo in ay yihiin dad kasoo haajiray waddamdada saxaraha ka hooseeya ee qaarada Afrika ayaa uu soo badbaadiyay markab laga leeyahay dalka Jarmalka.
Safaarada Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa sheegaysa in dadkan ay ku jiraan dad Soomali ah.
Tabriibayaasha ayaa waxa inta badan ka haajiraan waddamada Afrika ayaa waxay u haajiraan Waddama Yurub oo ay ka raadiyaan nolol ka wanaagsan tan ay hayaan, waa siday qabaane.