Xisbiyaddu waa madal lagu cabiro aragtida iyo aqoonta siyaasadeed, siyaasi Xuseen Ibraahim Buuni

 

Kulan ay isku yimaadeen Salaadiin, siyaasiyiin iyo aqoonyahano ayaa waxay ka difaaceen eedo ay xisbiga Waddani u soo jeediyeen xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo.

Kulan oo ay war-baahinta kula hadleen Hudheelka Guuleed ayaa waxay waxba kama jiraan ka dhigeen eedo xisbiga Waddani u soo jeediyeen Xukuumadda.

Ugu horey waxa kulankan ka hadlay Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil oo tilmaamay in ay soo baxeen niman afmiishaaro ah oo cambaareen uun TV-yada la soo fadhiya.

Sidoo kale waxa kulan ka siyaasi Eng Xuseen Ibraahim Buuni oo ku dheeraaday ahmiyada ay leeyihiin xisbiyadu iyo waxa loogu talo galay in ay had iyo jeer ummadda ku jiheeyaan.

Eng. Xuseen waxa uu sidoo kale sheegya in Xisbiyaddu yihiin madal lagu cabiro aragtida iyo aqoonta siyaasadeed.

Halkan hoose ka daawo muuqaaalkan:

bandhige@gmail.com