Jarmalka wuxu soo dhaweeyey qaxootiga Suuriya, Yurubta kalena way ku kala qaybsantay

Boqolaal ka mid ah dadweynaha Jarmalka ayaa xalay saqdii dhexe isugu soo ururay waddooyinka Munich si ay u soo dhaweeyaan qaxootiga ka soo fatahay Suuriya ee ku qulqulaya Yurub ah. Waxay siteen boodh ay ku qoran tahay “ku soo dhawaw Munich” waxayna u qaybinayeen dadka qaxootiga ah jokolaato iyo cuntooyin fudud.

Soo-dhawayntan oo aad loogu baahiyey warbaahinta dunida ayaa loo fasirtay in Jarmalku ku muujinayo gobonimadiisa wakhti ay waddamada Yurub badankoodu albaabada ka soo xidheen qaxootigan bayhoofka ah ee ka soo baxsaday dagaalka qadhaadh ee lagu le’day ee ka socda dalkooda.

Hal tareen oo kali ah ayaa siday 1000 qof, iyadoo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ay Jarmalka soo gaadheen 8000 qof ilaa haddana uu qulqulku dhammaaday.

Haweenayda hoggaamisa Jarmalka Angela Marker ayaa ugu baaqday madaxda Yurub in ay xishmeeyaan qiyamka Yurubs isla markaana u taagnaadaan wixii ay hore ugu taagnaan jiree oo ah soo dhawaynta qaxootiga iyo hadba dadka tabaalaysan.

Angela Marker waxay ku baaqday in aanu Jarmalku kali ahaantii martigelin karayn qaxootiga ka soo fatahaya Suuriya laakiin loo baahan yahay in waddamada ka tirsan Midowga Yurub ay culayska qaybsadaan.

Dhanka kale, weli waxa soconaya shirarka ay Midowga Yurub ka galayaan qalalaasahan waxana muuqata in aan weli waxba la isla meel dhigin marka laga reebo Ingiriiska oo u muuqda in uu ka soo debcay halkii uu marka hore taagnaa.

Waddanka Hungary oo ah albaabka laga galo waddamada Yurub ee la isku yidhaa Schengen ayaa gacan bir ah kula dhaqantay qaxootigan, waxayna sheegtay in ay xadkeeda Koonfureed ka dhisayso dayr wayn oo aan laga gudbi karayn kaas oo ka hor tagaya qaxootiga aan kala joogsi ahayn.

Hungary waxay ku sababaysay in dayrkani ilaalin doono barwaaqada iyo Kiristaaniyadda Yurub isla markaana ka hor tagi doono qulqulka Muslimiinta u soo haajiraysa Yurub.

Bandhige@gmail.com