Itoobiya waxay tahriibeyaal ku wareejisay Laanta Socdaalka Togwajaale

Dawlada Itoobiya ayaa soo gaadhsiisay maamulka magaalada Wajaale 75 tahriibeyaal ah oo reer Somaliland ah oo isugu jiray wiil iyo gabdho kuwaasi oo laga soo qabay xuduudda u dhaxaysa dalalka Suudaan iyo Itoobiya, ka dib markii ay Somaliland ka tahriibeen.

Guddoomiyha degmada Togwajaale Aadan Shiine, Taliye-ku-xigeenka laanta socdaalka Ibraahim Nuur Caqli iyo qaar ka mid madaxda degmada Togwajaale, ayaa dawladda Itoobiya kala wareegay dadkaasi muhaajiriinta ah ee reer Somaliland, kuwaas oo usii jeeday waddanka Liibiya si ay halkaasi uga sii tahriibaan oo ay u galaan qaaradda Yurub.

Masuuliyiinta degmada Togwajaale ayaa warbaahinta u sheegay in ay qof walba ay ku wareejin doonaan waalidkii dhalay, waxaanu kula dardaarmay in ay dhulkooda hooyo ay aaminaan oo aanay nafahooda ku halaagin jidadka khatarta badan leh ee ay marayaan, maadaama oo ay waayo aragnimo badani u korodhay intii ay jidka ku sii jireen.

Qaar ka mid ah dhallinyarada tahriibaysay oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay dhibaato badan iyo gumaysi badan la kulmeen intii ay jidka ku sii jireen, isla markaana ay xabsi badan galeen oo ay waayo-aragnimo badan ka korodhsadeen.

Sidoo kale waxa ay xuseen in dadka beeralayda ah iyo shacabka iyo askartuba ay soo qabanayaan dadka tahriibaya ee soconaya gudaha dalka Itoobiya iyo Suudaan, isla markaana ay nafahoodu khatar badan galeen muddaasi ay halkaasi marayeen.

Mid ka mid ah hablaha tahriibeyaasha ah ee Somaliland oo wax laga waydiiyey dareenkeeda ayaa tidhi

“Alxamdulillah. Ilaahayba na nabad keenay waanan ku faraxsanahay in aan ku soo noqday dalkayga saaka. Waxaan tahriibeyaasha ugu digayaa in aanay meeshaasi wax nolol ahi kaaga horayn. Dhibaato, gaajo, gumaysi iyo diif ayaa taalla. Sidoo kale waxaa lagaa qaadayaa xoriyadda oo waxaad ahaanaysaa sidii qof xoolo oo kale ah, annagana saaka oo wadankaygii hooyo lana keenay ayaa xoriyad noogu horeysa.”

Beryihii dambe waxa sii kordhayey tirada dhallinyarada ee tahriibaysa. Xukuumadda Somaliland iyo ta Itoobiya ayaa ku dedaalaya sidii ay u xakamayn lahaayeen dhibaatadan gaarka u saamaysay da’yarta.

Bandhige@gmail.com