Jasiiradda Seychelles ayaa lagaga dhawaaqay xaalad deg deg…

Jasiiradda Seychelles ayaa lagaga dhawaaqay xaalad deg deg ka dib markii uu qarax ka dhacay goob lagu keydiyo walxaha qarxa, sidoo kalena ay roobab mahiigaano ah waxyeelo gaadhsiiyeen aagga warshadaha iyo nawaaxigeeda.

Qaraxan ayaa ruxay jasiiradda Mahe, waxaana dhanka kale roobabka xooggan ee ka da’ay aagaasi oo sababay daadad badan ku dhintay saddex qof. Xafiiska madaxweynaha ayaa war uu soo saaray ku sheegay in la xidhayo dhammaanba dugsiyadda ,iyagoo shacabka ugu baaqay in guryahooda joogaan marka laga reebo shaqaalaha muhiimka ah iyo dadka safraya.

Seychelles, oo ah meel loo dalxiis tago, ayaa ka kooban 115 jasiiradood, waana dalka ugu dadka yar Afrika, taas oo ay ku nool yihiin 100,000 oo qof.

Daadadka Seychelles laga soo warinaayo ayaa ah kuwii ugu dambeeyay xaalado cimilo isxig-xiga oo sanadkan laga diiwaan-geliyay qaybo ka mid ah qaaradda kadib markii ay ku dhufteen daadad, dhul go’ iyo abaaro ka dhacay Kenya, Mauritius, Madagascar, Somalia iyo Tanzania.

 

Cabdicasiis Caydiid Yamani