Diyaarad u socotay Maraykanka ayaa duullimaad keeda la baajisay kadib markii guddaheeda lagu arkay jiir.
Diyaaradda ayaa ka kici lahayd garoonka diyaarada London ee Heathrow.
Rakaabka British Airways ayaa diyaaradda laga dejiyay kadib markii arrinta lama filaanka ah ay dhacday.
Shaqaalihii ayaa rakaabka u sheegay inaysan diyaaradda kici karin, duullimaad kalena la jadwaleeyay.
Afar saacadood ayey qaadatay in jiir diyaaradda laga saaro, kadibna ay duusho.
Mid ka mid ahaa rakaabka, Carly, waxay sheegtay in ay aamini wayday in jiir uu baajiyo duullimaadka.
“Ma hubo in dadka ay ogaayeen sida dareenkoodu uu ahaa”, ayey tidhi.
Waxay sheegtay in lagu wargeliyay in diyaarad kale ay raacayaan, balse saacado ay ku qaadatay in ay helaan irid ay ka baxaan.
Qaar ka mid ah dadkii diyaaradaasi saarnaa ayaa baraha bulshada ku qoray sida ay uga falceliyeen jiirka diyaaradda ku dhex dhuuntay.
Mid ka mid ah rakaabkaasi wuxuu yidhi :
“Waxaan doonayaa in arrintan aan ka iibiyo aflaanta. Waxay u muuqataa in dadka ay ka baqayaan mas diyaaradda ku dhex jira”.