Xisbiga Dimuqraadiga waxay ku baaqeen in uu is-casilo xeer ilaaliyaha qaranka Maraykanka

 

Xubnaha dimqoraadiga ee Congress-ka Maraykanka ayaa ku baaqaya in xeer ilaaliyaha qaranka Maraykanka Jeff Sessions uu faraha kala baxo baadhitaanka lagu sameynayo faro-gelinta Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii madaxtinimada Maraykanka ama uu is-casilo.

Arrintan ayaa ka dambeysya kadib markii ay soo shaac baxday in Sessions uu sannadkii tagay laba goor la kulmay safiirka Ruushka u fadhiya Maraykanka.

Sessions ayaa waxa uu taageero u ahaa madaxweyne Donald Trump markii uu xilka u ordayey, waxaana uu la-taliye u ahaa ololahiisa, isaga oo sidoo kalena ahaa Senator.

Kadib markii loo magacaabay in uu hoggaamiyo Waaxda Cadaaladda Maraykanka, Sessions ayaa markii ay wareysanayeen xubnaha senate-ka waxaa la weydiiyey waxa uu sameyn doono haddii ay caddaato in xubno ka mid ah ololaha Trump ay xidhiidh la lahaayeen Ruuushka, waxaanu ku jawaabay:

“Waxaa mar ama laba mar la iigu yeedhay in aan taageero u noqdo oo difaacana  olaha Trump, mana jiro wax xidhiidh  ah oo aan la lahaa Ruushka, kamana hadli karo arrintaas.”

Sessions ayaa la kulmay safiirka Ruushka Sergei Kislyak bilihii July iyo September ee sannadkii tagay.

Bayaan kasoo baxay, ayuu Sessions ku sheegay in uusan wax saraakiil Ruushiyaan ah kala kulmin arrimo ku saabsan ololaha madaxweyne Trump.

bandhige@gmail.com