Jilaagii Aflaamta ee Rishi Kapoor ayaa u geeriyooday xanuunka Kansarka isaga oo 67 jir ah

Jilaagii Aflaamta Rishi Kapoor ayaa u geeriyooday xanuunka Kansarka isaga oo 67 jir ah

Kapoor, oo xiddig ka ahaa filimada caanka ah ee ay ka mid yihiin Bobby iyo Mera Naam Joker, ayaa dhintey kadib laba sano oo uu la il darnaa cudurka kansarka.

Kapoor wuxuu ka mid ahaa jilayaasha filimada Bollywoodka ugu caansan, wuxuuna ka dhaxlay Aabihii Raj Kapoor, oo kamid ahaa jilaayaasha ugu caansan India.

Waa dhimashadii labaad ee Bollywood-ka ku timaad mudo laba maalmood gudahood. Jilaaga Irrfan Khan ayaa Arbacadii u dhintey sidoo kale xanuunka kansarka.

Kapoor waxa uu matalay ku dhawaad 100 filim. filimkiisi ugu horeeyay waxa uu matalay 1970 isaga oo da’ ahaan yar, waxaana uu matalay filimka layidhaahdoย Mera Naam Joker

Bandhige@gmail.com