Kamala Harris oo la soo saaray diiwaankeeda caafimaadka

Kamala Harris ayaa soo saartay diiwaankeeda caafimaad, kaas oo lagu sheegay in ay jirto “caafimaadka aad u wanaagsan” oo tilmaamaya in ay diyaar u tahay madaxtinimada dalka caafimaad ahaan.

Shaacinta ka dib, Harris oo ah musharraxa xisbiga Dimuqraadiga waxay dhaleecaysay madaxweynihii hore ee Maraykanka ahna murashaxa Jamhuuriga Donald Trump oo ay ku hufnaan la’aan iyo in aanu shaacin diiwaankiisa caafimaad.

Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa sidoo kale ku andacootay ninka ay la tartamayso ee Jamhuuriga “in aanu doonayn in dadka Maraykanku ay arkaan caaafimaadkiisa inuu ku haboon yahay inuu noqdo madaxweyne caafimaad ahaan iyo in kale”.

Kooxda ololaha Trump ayaa ka jawaabay hadalka Harris Iyaga oo aan daaha ka qaadin xogta caafimaadka Trump, iyaga oo soo xiganaya dhakhtarkiisa waxay sheegay in uu ku sugan yahay “caafimaad fiican oo aad u wanaagsan”.

Kooxda ololaha Trump ayaa sheegay in musharraxa Jamhuuriga uu lahaa jadwal olole oo aad u mashquul badan waxayse ku andacoodeen in Harris aanay lahayn awoodda iyo hal adayga madaxweyne Trump”.

Sidaas oo kale Aqalka Cad uu daabacay warbixin caafimaad oo sheegaysa in madaxweyne ku xigeenka Harris “uu leeyahay adkeysi jireed iyo maskaxeed” lagama maarmaanka u ah inuu u adeego madaxweyne.

Dr Joshua Simmons, Kornayl Ciidanka Maraykanka ah oo ahaa takhtar Harris in ka badan saddex sano, ayaa qoray in jidhkeedu caafimaad qabay ilaa Abriil wuxuuba u rajeeyey  inay ilaaliso qaab nololeed caafimaad leh oo firfircoon.

Waxa uu sidoo kale xusay in ay leedahay taariikh qoys oo kansarka mindhicirka ah iyo xasaasiyad – isaga oo sheegay in ay sii wadayso daryeelka lagula taliyey ee ka hortagga ah, oo ay ku jiraan in la sameeyo raajada sannadlaha ah.

Ka dib markii la sii daayay diiwaannada caafimaadka, afhayeen u hadlay ololaha Harris ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku yidhi : ” Donald Trump, hadda adiga ayey ku joogtaa”.

Ka hor ololeeda ay wado North Carolina, Harris waxa kale durtay miyirka maskaxeed ee Ninka ay xafiiltamaan iyo sida aanay arrimihiisu joogto u ahayn.

Dimuqraadiyiinta ayaa weerar ku qaaday 78 jirka Trump, ka dib bilo ay Jamhuuriyaddu dhaleecayn la mid ah u jeedinayeen madaxweyne Joe Biden ka hor inta aanu ka bixin tartanka.

Haddii mar kale loo doorto madaxweyne Trump bisha Nofembar, wuxuu soo afjari doonaa inuu tartamo mar labaad isaga oo noqon doona madaxweynaha ugu da’da weyn taariikhda Maraykanka isaga oo jira 82 wuxuuna rikoodhka la wadaagi doono Biden, kaas oo isku da’ noqon doona marka uu xafiiska ka tago Janaury.

Agaasimaha isgaadhsiinta ee ololaha Trump Steven Cheung oo ka jawaabaya cadaadiska kooxda Harris, waxa uu sheegay in uu  Trump si ikhtiyaari ah u sii daayay cusboonaysiinta caafimaadkiisa gaarka ah ka dib markii laga daaweeyay ka dib isku daygii dilka ee isaga ka dhanka ahaa dhowaan  ka dhacay Butler oo Pennsylvania ah.

Waxa kale oo uu soo xigtay warqad caafimaad oo soo baxday Noofambar 2023 oo lagu sheegay in Trump “baadhistiisa jireed ay fiican tahay sidaas oo kale baadhistiisa garashada.

Codbixinaha qaranku waxay soo jeedinayaan in Harris ay wax yar ka horayso Trump laakiin tirooyinka gobollada dagaalka ayaa aad isugu dhow.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com