Qishka Imtixaanku Waa Burburka Ummada

Mid ka mid ah, macallimiinta dhiga Jaamacadda dalka Koonfur Afrika ayaa ardaydiisa oo ka koobnayd heerarka aqoonta eek ala duwan ( Degree, Master iyo PHD) u qorey warqad uu kaga warramayo xaaladda kulliyadda uu dhigo ee jaamacadda Koonfur afrika.

Professorka ayaa kelmadhan ku qoray warqadiisa: ” Burburka ummaduhu uma baahna atoomik bam ( Nuyukliyer) iyo ganataalaha riddada dheer oo lagu baabiiyo.

Laakiin ogoq waxa lagu baabiin karaa in hoos-u-dhac lagu sameeyo tayada waxbarasho iyo manhaj ee dalka, ardaydana loo ogolaado in imtixaanka qishaan.

Arinkaasi ayaa suuro-gelinaya in qofkii bukey ku hoos dhinto dhakhtar ku soo baasey Qish, dhismaha guryuhuna ku dumaan Engineer aqoon lahayn oo ku soo baasey Qish, hantidu na ku lunto xisaabiye, ku soo baasey Qish.

Ixtiraamka Aadminimona  ku hoos dhimato wadaad ku soo gudbay aqoon diin ahaaneed Qish ah, caddaaladduna ku dayacanto garsoore isna aqoon sharci lahayn, balse ku soo gudbay Qish. intaasi marka ay dhacdo waxa Jahligu ku fidiyaa Caqliyada dhallinyaradaa, kaas oo uu uu gaadhsiinayo macallin isaga lafterkiisuna ku soo gudbay Qish”. Burburka tacliintu waa Burburka ummadda. (Jamiiforums.Com)

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com